Tacsi Xisbiga Kulmiye

Tacsi

Inaalilaaahi Wa Inaa Ilaheyhi Raajacuun Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere Waxa Uu Ka Tacsideynayaa Eheladii, Qarabadii, Shacabka Somaliland Iyo Ka Gobolka Togdheerba Geeridii Naxdinta Laheyd ee Ku Timid Alle Ha U Naxariistee Marxuum Xaaji Cimsaan Cawad Maxamuud Oo Ku Magac DHeeraa Badhabadha Oo Ku Geeriyoodey Alle Ha U Naxariistee Magaalada Burco

Marxuumku Waxa Uu Hilaadii 1908 Ku Dhashey Hawdka Magaalada Burco Oo Ka Mid ahaa Shakhsiyaadka Magaca Iyo Maamuska Ku Leh Qaranka Somaliland Islamarkaana Ka Soo Qayb Qaatey Dhidibo U Taagidii Qaranka Somaliland Isagoo Marxuumku Kaalin Mug Wayn Ku Lahaa Nabadeyntii Dalka Islamarkaana Ka Mid ahaa Shakhsiyaadkii Ugu Horeeyey Ee Ganacsiyada Hudheelada Ka Hirgaliya Magaalada Burco.
Waxaan Marxuumka Ka Tacsideenayaa Mar Kale Anigoo Ku Hadlaaya Magaceyga Iyo Ka Xisbiga Kulmiye Eheladii , Qarabadii Iyo Guud Ahaanba Qaranka Somaliland Iyo Gaar ahanaanba Ka Gobolka Togdheer ee Marxuumku Ka Baxey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso