Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Aan Guul Laga Gaadhin Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa sheegay inaan wax horumar ah laga gaadhin wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa warbixinta uu saddexdii biloodba mar u gudbiyo golaha ammaanka ee ku saabsan Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu kaga hadlay kulankii bishii February dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo uu sheegay inuu Madaxweyne Biixi ku balan qaaday inuu la shaqayn doono dawladda Muqdisho.

 

Warbixintiisa wuxuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku yidhi “20 kii Februrary madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu wada hadal kula yeesha Addis Ababa Raysal Wasaare Axmed, halkaas oo madaxwayne Biixi ku ballan qaaday inuu madaxwaynaha Somaliland ahaan uu ku xoojinayo xidhiidh wada shaqayneed oo uu la yeesho dawladda Federaalka Somaliya.” Ayuu ku yidhi xoghayaha guud warbixintiisa, waxaanu intaas raaciyay “Dawladda federaalka ahi waxay soo saartay qoraal ay ku soo dhowaynayso. Inkasta oo aanu jirin wax horumar ah oo laga sameeyey wada hadalka Somalia iyo Somaliland, hadana waxa jira tiro daneeyayaal caalami ah oo soo bandhigay taageerada wada hadalka.”

 

Dawlada Somaliland Ayaa Iyadu Marar Badan Xukuumada Somaliya Ku Eedaysay In Ay Ka Gaabisay Isku Imaatinka Labada Dal, Iyaga Oo Ka Wada Hadli Lahaa Danaha Labada Dal Ka Dhexeeya, Mar Horena Ahaan Jiray Waddan Mid Ah, Ka Hor Go’aankii Shacabka Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso