Halbowlaha dhiiga haba iyo sow halista imaad goyn…

Halbowlaha dhiiga haba iyo sow halista imaad goyn..

Qolka ayaan daf soo idhi aniga oo xiiqsan oo jaranjarooyinka ka soo baxay. Hablaha intii qolka ku jirtay ayaan salaamay, dhaloola cadayn iyo soo dhawayn ayaa la iigu jawaabay. Halkii sariirtaydu taalay ayaan abaaray. Oxogaa nasasho yar ka dib ah waxa agtayda timid Alfiaya( gabdh aanu joy wadaag nahay). İnay tigidhkii goosatay oo ay safarayso sannadkan ayey iigu bushaaraysay. Si kala iyo laab ah ayaan ugu hambalyeeye waayo waxa aan dareemi karaa boholyowga uu qabo qof aan waddankiisii iyo waalidkii saddex sanno arkini. Sheeko gaaban oo googoos ah ayaan galnay si kadis ah ayey ii tidhi waxa aan daawaday filmkii Ubixii lamadagaanka( Desert flower). Waa film laga matalay buug ay qortay Waris Diriye gabadh la yidhaa oo Soomaliyad ahi. Filmku waxa uu ka sheekaynayaa FGM(Gudniinka fircooniga ah) iyo hablaha yar yar ee odayda waaweyn lagu qasbo.

Nasray adiga ayaa Soomaliya ka yimide ma jirtaa arrintani ayey iyada oo ilinta iska tiraysa i weydiisay.
Candhuuf ayaan dib u liqay hawo dheerna waan neefsaday. Filmka waxa la metalay dabayaaqadii shagaashamaadkii. Waxa aan is idhi may dheh. Haddan waxa aan xasuustay in aanay billo ka soo wareegin geerida gabadh yar oo u dhimatay FGM. waxa aan xasuustay in 20% ay isku go’aan marka ay dhali kari waayo sababta oo aah muruqii ayaa awoodii uu ku kala bixi lahaa lumiyey. Waxa aan xasuustay in warbixintii u damabaysay ee ay Unicef soo saarto uu heerka FGM Somaliya ka maryey 98%. Waxa aan xasuustay in hambalo badan la dhibana yihiin dhaawacayo hore uga soo gaadhay.
Waxa aan xasuusta in qaarkood wakhtigu isku dul badalay oo kuwii shalay lahaa inan xidhan baanu rabnaa ay maanta yidhaahdeen mayee gabadh sune ah baanu rabanaa.

Waxaas oo dhagar ah markii aan maanka ku qabtay ayaan ku idhi ” Haa wuu jiraa wali”.
Waxa ay i weydiisay ma meesha sidaa habalaha lagu samaynayo ayaad rabtaa in aad ku guursato oo aad gabadh ku dhasho??

Meel haweenka lagu gumeeyo,
Horumarka looga dhaarto. Naftooda lagu xad gudbo deetan xeerbeegti ay xaqoodii isku casuunto. Meel ay hawsha oo dhan haweenku dhabarka u ridataan ax aanay odhan. Meel aanay akhtiyaar iyo doorasho lahayn. Meel kii ay u dhaxeen iyo kay la dhasheen aanay is dhaamin inaad GABADH ku dhashaa tolow waa sidee??

 

Nasra Ali Nuh
Turkey

Advertisement

Ku Xayeysiiso