Farmaajo Oo magacaabay Xubno uu Ku Jiro Wasiir reer Somaliland Ahaa oo Xamar u shaqo tegay

Farmaajo Oo magacaabay Xubno uu Ku Jiro Wasiir reer Somaliland Ahaa oo Xamar u shaqo tegay

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo magacaabay Shan Safiir oo uu ku jiro Wasiir reer Somaliland ah

Dawladda Soomaaliyaa xil Safiirnimo u magacowday Siyaasi Xasan Daahir Dhimbiil oo mar ahaa Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland xilligii Xukuumaddii Siilaanyo.

Waxa uu kamid ahaa tiro Siyaasiyiin xilal ka qabtay Somaliland oo dhawaan Magaalada Muqdisho tegay, kana soo muuqdeen baraha Bulshada sawirradoodu.

Mr. Dhimbiil ayaa magacaabistiisa waxa maanta lagu shaaciyey Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, waxaanu kamid ahaa 5 safiir oo shirkaasi magacaabistooda lagu ansixiyey.

lama sheegin wadamada loo magacaabay Safiirradan, balse waxa la filayaa in uu dhawaan Madaxweyne Farmaajo ku soo saaro Digreeto.

Ma aha war cusub inay Dawladda Soomaaliya soo dhaweyso, xilalna u dhiibto dadka Siyaasadda Somaliland qaybta ka soo noqday ee Muqdisho taga, taasoo kamid ah xeeladaha ay doonayso inay ku soo jiidato bulshada Somaliland.

Hase ahaatee guurguurka Siyaasiyiinta ayaan ahayn mid ku kooban oo qudha dhinaca Somaliland, balse sanadihii u dambeeyey labada dhinacba ka socday.

Tiro Siyaasiyiin ah oo miisaan ku lahaa Soomaaliya, ayaa sanadihii la soo dhaafay u soo wareegay Somaliland, kuwaasoo ka qaneeco waayey Muqdisho, kaddibna dalkooda u soo wareegay.

hase ahaatee arrintan u dambeysay ee Xasan Daahir Dhimbiil loogu magacaabay xilka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay saluug badan ka qabaan Mustaqbalkooda siyaasaddeed xildhibaanada iyo dadka kale ee xilalka sar sare ka haya Dawladda Soomaaliya, kuwaasoo culaysku ka soo waajahay hannaanka geedi-socodka siyaasiga ah ee dawladaasi

Advertisement

Ku Xayeysiiso