Dawlad Somalia La Yidhaahdaa Ma Jirto , Somaliland Na Cida Cagta Ku Haysaa Waa Beesha Caalamka !!!

DAWLAD SOMALIA LA YIDHAAHDAA MA JIRTO , SOMALILAND NA CIDA CAGTA KU HAYSAA WAA BEESHA CAALAMKA !!!

             Waad isweydiinaysaa sababta uu qoraalkayga cinwaankiisu u yahay in aan duro nidaamka maamul dawladeed ku sheega ah ee aduunku gacanta ku hayo ee sheegta in ay haystaan sharciyadii dawladnimadii Jamhuuriyadii Somalia Wada lahayd oo meelo kooban oo muqdisho ah maamulkeegu kaga taliyo awood gacan shisheeye .

Waa tahay , haddaba dawladnimadu maaha wax dadka dusha lagaga keeno oo xoog iyo jujuub umada lagu marsiiyo ee waa nidaam salka hoose ka soo dhisma oo dadka ka yimaada oo ay iyagu u arkaan wax ay leeyihiin oo danahooga ka shaqeynaysa rabitaankoodana ku joogta ,  awooda shacabka iyo kalsoonida umada haysata , kuna shaqeynaysa aragtida iyo danaha dadka Somalia leeyihiin .

Aduunku waxa uu sideed iyo labaatan sanadood somalia ku wadaa in uu dawlad u dhiso uu dhaqaale iyo ciidan iyo cudud ba la garab taagan yahay , mudadaa in leegna waxa aanu hoos u eegin rabitaanka iyo jiritaanka dadka reer somaliland dawladnimadoodii kagala soo noqdeen go’aan shacbi , go’aankaasi oo waxgaradkii reer somaliland ku gaadheen magaalada Burco 1991kii, dadka reer somalilandna afti dadwayne ku meel mariyeen tiro ah 97% in ay somaliland tahay dal madax banaan oo leh dastuur iyo nidaam dawladeed oo ah kii ay heleen 26-June-1960kii ee ay Somalia kula midoobeen 1 July 1960kii.

Somalia waxa iyaguna jiray,  marka la eego dawladaha rabay in ay wax u dhisaan , waxa ay ahaayeen dawladahii ay deriska ahaayeen xiligii ay dawlada ahayd somalia oo dhamaantood danahooga ka dhex fushanayey , shirarkaa dawladnimada loogu dhisayey somalia waxa dibada ka ahayd somaliland oo la ogaa in ay go’aan ku gaadhay in dawladnimadii la isku darsaday ay qaybteedii la soo noqotay , xataa waxa xusid mudan in shirkii Djibouti 1991-1992 loogu qabtay jabhadihii Somalia ka dagaalamay ee nidaamkii kalitaliska ahaa talada ka tuuray in aanay SNM oo ahayd jabhadii ugu xooga waynayd ka qayb galin oo shirka laga sheegay.

Aduunka iyo dawlad kasta oo shir somalia u qabanaysaana way og tahay in aanay somaliland ka mid ahayn Somalia talana aanay isugu jirin ,  laakiin waxa marwalba jiray shaqsiyaad reer somaliland ah oo fikirkooga shaqsiga ah ku aaminsan somalia amaba u arkay wax ay ku heli karaan fursad siyaasadeed oo ay ku muuqdaan , manfac iyo magac kay doonaan ha ku helaane oo meel looga qoondeeyo waxaa somalia loo dhisayo.

Imikana way jiraan qaar iyaga oo kale ah oo nidaamka muqdisho laga dhoob-dhoobay ka mid ahi , waxa se mid wax lagu qaato ah in dadkii aaminsanaa in somaliweyn ay somaliland ka mid tahay dib loo dhisi doono waliba kuwoogii ugu mudnaa aragti ahaan iyo aqoon ahaan iyo mabda’a ahaan waxii ay markaa aaminsanaayeen in ay dib u soo noqdeen oo dadkoogii reer somaliland wax la qabsadeen iyaga oo cadeeyay in ay qaldameen oo cafis ka dalbaday dadkooda iyo dawlada somaliland.

Marka ay sidaa tahay ee aynu og nahay halka aynu kala taaganahay sideed iyo labaatankaa sanadood Somalia iyo Somaliland , cida dhibta ugu weyn somaliland ku haysaa waa dawladaha dunida ee daneeya Somalia iyo waxa loo yaqaan beesha caalamka oo aan u cadaalad sameyn dawlada somaliland iyo dawlad ay gacanta ku hayaan ee Somalia .

Sidaasi oo kale inta waxaasi oo dhami dhacayeen dadka siyaasiinta ah ee Somalia hogaaminayey iyada oo aduunyadu garbaha haysaa may garan walaaladiin Somaliland dawlada ay samaysteen hala amaan galiyo oo dadka reer somaliland ee hore loogu duudsiyey dawladnimadii , calankii , cududii Jamhuuriyada Somalia ee ay walaalnimo iyo wanaag idiinkula yimaadeen , ha ugu darina hadimo iyo hagar daameyn qadiyadooda iyo rabitaanka dadkooda lidi ku ah ee marwalba hadal macaan oo af-gobaadsi ah iyo colaad hadoodilan ayey u taagnaayeen .

Maanta iyo maxaa xal ah haddaba ;

—————————————————-

Mar hadii xaqiiqada jirta aanay aduunka iyo somali midna ka qarsoonayn , oo arinku noqday qasab aynu ku kala lulano , mar hadii aanay cidna ka qarsoonayn somaliland iyo somalia arinkooga halka la kala taagan yahay siyaasiyan iyo waxa midwaliba qabsaday iyada oo waliba la eegayo in somaliland loo garba – duubay somalia oo wax noqota , wax ka soo muuqdaana aanu jirin waxa haboon; –

1- In Somaliland shuruud la’aan aqoonsi ay aduunku ku siiyaan iyo maamulka iskii isku taagi waayey ee ay aduunyadu garbaha haysaa , magdhowna laga bixiyo iyo raaligalin waxii dadka somaliland ay u geysatay dawladii somalia , iyo waxii ay beesha caalamka iyo maamulada maqaarsaarka ah ee Somalia u duudsiyeen rabitaanka dadka reer somaliland ee jiritaanka iyo dib ula soo noqoshada qadiyada somaliland looga hortaagnaa mudadaana go’odoonka looga dhigay.

2- In dadka somalia iyagu danahooga ka tashadaan oo loo daayo taladooda si ay u keensadaan dawlad aan cidi u dhisin ee rabitaankooga ku joogta oo iyaga ka timid oo somalia u soo celisa amnigii iyo kala dambayntii .

3- Iyo in ay meel uga soo wada jeestaan cadawyada faraha badan ee midwaliba danihiisa ka dhex fushanayo umadaa somalia ,  ee sideed iyo labaatanka sano dhibaatada iyo amni daradu haysato , oo ay diidaan dagaalada  iyo masiibooyinka loo soo waariday ee aan ahayn wax hore loo arkay.

4- In Somaliland noqoto dalka ugu horeeya ee walaalnimo , wanaag iyo darisnimo aan danaysi ku jirin wax kula qabata umada somalia ee sideed iyo labaatanka sano marba madalooti muuqaal dawladeed leh loo soo dhisayo oo macne ahaan u jirin ,  iyada oo dhiirigalinaysa dawlad shacabka somalia soo dhistaan iyaga oo ka madhan farogalin dibadeed.

Waxa aan is leeyahay runta iyo waxa dhabta ah  ee jira oo la sheegaa waa xal iyo wanaag loo baahnaa oo horumar u keeni kara iyo wada-jir gobolkan Geeska Africa ee noqday meel marka la maqlo ay aduunyadu xasuusato , dagaal iyo colaado , gaajo , xasuuq , argagixiso , budhcad badeed , dawlad la’aan , dulmi iyo duudsiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo gobolkani ku sawirmay nus-qarnigii ugu dambeeyay , Africa iyo aduunkana kaga hadhay oo dib u dhac weyn ku keenay.

Aragtidayda

Muhamed Dhimbiil

Tell: +252634241005

Advertisement

Ku Xayeysiiso