Ilaalada Xeebaha Libya oo badbaadiyay 290 muhaajiriin ah

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Libya ayaa badbaadiyay 290 muhaajiriin oo la socday laba doonyood,ka dib howlgallo is-xig-xigay oo ay fuliyeen ciidamadaasi,kaas oo ka dhacay xeebaha dalkaasi ,gaar ahaan agagaarka caasimadda Tripoli.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada badda ee Libya oo lagu magacaabo Ayoub Qassem ayaa sheegay in mid ka mid ah howlgaladaasi ay ku badbadiyeen 87-ruux,halka dooni yar oo labaad ay  sidoo kale ay ka soo badbaadiyeen 203 ruux.

Sarkaalkaasi ayaa xusay in in labada doonyood mid ka mid ah ay ku qabteen xeebaha magaalada Qarabuli oo 50 km bari kaga began Tripoli,halka tan labaad laga helay Zlitin oo 160 km Bari kaga beegan caasimadda.

Dadkaasi la badbaadiyay waxaa ka mid ahaa 7-haween ah iyo caruur,kuwaas oo ka kala socday dalal dhowr ah oo Carab ah iyo dalalka saxaraha ka hooseeya.

Bukaanno badan oo ka mid ah dadka la badbaadiyay ayaa la dhigay cisbitaalada ka dib kolkii laga helay xanuunada faafa sida shuban biyoodka.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2017-kii oo ah markii Talyaaniga ay heshiis la galeen Madaxda Libya,waxaa kordhay howlgalada lagu qabqabanaayo dadka tahriibayaalka ah ee doonaya in ay u safraan dalalka Yurub.

Advertisement

Ku Xayeysiiso