Golaha Waiilada JSL oo Kulan hawleed wadatashi Laba maalmood ah u qabtay Xeerka Maydhista Lacagaha

Golaaha Wakiilada ayaa kulan wadatashi (Public Consultation WorkSHOP)  Laba maalmood socday  u qabtay Xeerkan oo lagu soo martiqaaday daneeyayaasha iyo inta uu saamayn doono dhaqan galkiisu ayaa talooyin dheeraada lagu waydiistay si ay waxtar iyo talo badsi ugu noqoto Xeerka Maydhista lacagaha oo akhriskii 3aad galay hor yaalana gole weynaha.

kulankan ayay goob joog ka ahaayeen badiba xubnaha gudida dhaqaalaha ee Golaha iyo gudoomiyaha gudidaas Mudane Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanweyne) iyo  xoghayaha guud ee Golaha wakiilada mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaane waxa kale oo ka soo qayb galay gudoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraaahim (Baqdaadi) Agaasimaha guud ee wasaarada Maalgashiga, Agaasimaha Waaxda Financial Sector-ka ee wasaarada Maaliyada, ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaarada Qorshaynta  iyo madaxda xawaaladaha iyo baananka gaarka loo leeyahay.

gudoomiyaha Baanka dhexe Cali Ibraahim iyo Gudomiyaha gudida dhaqaalaha ayaa ka soo qayb galayaashii shirka ka dalbaday in ay si wanaagsan u contribute gareeyaan qodobo dheeraad ah oo xeerkan kaabis loogu sameeyey, isla markaaana u sheegay inay mar labaad uga maarmi waayeen inay bulshada iyo hay’addaha maaliyada talo urursi kale kala sameeyaan.

Gudoomiyaha Gudoida Dhaqaalaha Cumar Sanweyne  Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Ayaanle iyo Xildhibaan Siciid Maxamed  Cilmi oo gudida dhaqaalaha ka tirsan ayaa faahfaahin ka bixiyey iyo  sharaxaad kooban asbaabta keentay in mar kale bulshada wax laga waydiiyo.

waxaana halkaas qodob qodob iyo nuxurka xeerka ka soo qayb galayaasha ugu sameeyey faahfaahin dheeraada Labada Lataliye ee Dhanka Sharciga ee Golaha wakiilada JSL Mudane Cabdiraxmaan Hirad Jaamac iyo Cabdirisaaq Maxamed Siciid oo soo naaqishay Xeerka.

wadatashigan Bulsheed ee loo qabtay xeerka oo laba maalmood qaatay 22-23 May 2019 ayaa si habsami leh loogu soo xidhay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa

Advertisement

Ku Xayeysiiso