Wasiir Naasir Caydiid   Oo Waajibkiisa Ka Gutay Isbaarooyinka Uu Dhigtay Maayirka Sallexley..

Wasiir Naasir Caydiid
Oo Waajibkiisa Ka Gutay Isbaarooyinka Uu Dhigtay Maayirka Sallexley..

Gaadiid badan oo sida shixnado kala duwan ayaa ku xanibnaa kaantaroolka tuulada Toon, oo hoos timaadda degmada Sallexley. Kuwaas oo u xanibnaa maayirka degmada Sallexley ka dib markii uu waydiyay cashuur labaad iyagoo hore loogu soo cashuurey xarunta gobolka hawd ee Balligubadle. Gaadiidkaas kala duwan oo soo eexaystay wadada laamida ah ee Sallexley maadaama lagu jiro xili roobaad oo dhiidhi jiro.

Falkaas foosha xun ee uu maayirka degmada Sallexley kula kacay muwaadiniintii watay gaadiidka ee uu ku xanibtay isbaarada sharci darrada ah oo tootali baal marsan kana baxsan habdhaqanka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dalka. Ayaa waxa ganafka u daruuray wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha mudane Naasir Caydiid Maxamed isagoo ku soo dabaalay dawladnimadii iyo kala danbeyntii.

Hadaba sida ku cad xeerka maaliyadda ee gobolada dalka iyo degmooyinkiisa ma jirto gaadiid lagu wada cashuuro ama xaqul xashiish lagaga wada qaado laba kastam/kaantarool oo dalka gudihiisa ah.

Sidaa darteed wasiirka oo ilaalinaya nidaamka dawladnimo ee dalka isla markaana gudanaya waajibka ka saaran nabad-galyada ayaa ka hawlgalay sidii uu u fardaamin lahaa gaadiidkaas dhawrka habeen sifaha qaldan ugu xanibnaa maayirka degmada Sallexley oo gabi ahaan-ba baal maray sharciyaddii iyo dawladnimadii dalka ka jirtay.
Waayo kaantaroolku marka uu ka baxo xayndaabka sharciyeed kama duwana isbaarooyinkii maleeshiyaadku isticmaali jireen.

Hore umay dhicin in gaadhi dhuxul sida ama shicnad kale oo xaqul xashiishkii lagaga soo qaaday (lagu soo cashuurey) halkii uu ka soo ambabaxay in goob labaad hadana lagu waydiiyo xaqul xashiish amase cashuur. Mana jirto sharciyad mar labaad saamaxaysa in xaqul xashiish laga qaado amase cashuur-ba..

Ugu denbeyn waxaanu aad iyo aad ugu bogaadinaynaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha mudane Naasir Caydiid Maxamed sida wanaagsan ee uu u gutay waajibaadkii ka saarnaa ka hor tagga wax kasta oo amniga wax u dhimaya iyo sida haboon ee uu u ilaaliyay habdhaqanka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka. isagoo arinta ku dhameeyay hab dawladnimo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso