Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hadyaddo Kala Duwan Guddoonsiiyay Arday Da’a Yar-yar Oo Ku Tar-tan-tay Qur’aanka Kariimka Ah Iyo Axaadiistii Nebigga (NNKH).

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay munaasibad  ballaadhan oo lagu abaal-marinayay arday da’a yar-yar oo ku tar-tantay musaabiqadda Al-waxyayn ee qur’aanka kariimka ah iyo axaadiistii rasuulka NNKH.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ardaydaasi ugu hambalyeeyay guushaasi ballaadhan ee ay soo hoyeen isla mrkaanna kula dar-daarmay inay ilaaliyaan kuna camal falaan kalaamka alle ,waxaana halkaasi ardayda ku guulaysatay lagu guddoonsiiyay baabuur, dahab iyo had’yaddo kala duwan oo qaali ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso