Somaliland Iyo Kenya Oo Xidhiidh Cusub Daah-Qaadaya.

Waa Sidee Xidhiidhaka Kenya iyo Somaliland Oo Xidhiidh Cusub La Filayo Inuu Dhex Maro.

 

Wefti ka socda dalka Kenya ayaa toddobaadkan yimid Somaliland, iyagoo ka qayb-galay xuskii 18-May.

 

Isla toddobaadkan waxaa Kenya socdaal kale ku tagey wefti ka socda Somaliland.

Weftiga Somaliland oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxay la kulmeen guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in weftiga Somaliland ay ka wada hadleen sidii Baarlamaanka Kenya iyo Somaliland ay u wada yeelan lahaayeen xidhiidh wada shaqeyneed.

 

Rashiid Cabdi oo horey uga tirsanaa ururka xasaradaha dunida ayaa qoraal uu bartiisa twitterka soo dhigay wuxuu ku sheegay, in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu socdaal rasmi ah ku tagi doono dalka Kenya, halka la filayo in madaxweynaha Kenya uu isna socdaal ku yimaaddo Somaliland inta lagu gudo jiro sannadkan.

 

Kenya ayaa bilowday in ay qaado tallaabooyin ay suurtogal tahay in uu ku xumaado xidhiidhka ay la leedahay dalka Soomaaliya, iyadoo xalay dal-ku-galkeeda u diidday wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Soomaaliya.

 

Kenya waxaa kale oo ay albaabada iskugu laabi doontaa dhammaan xawaaladaha Soomaalida, marka laga reebo Dahabshiil oo ah xawaalad xidhiidho adag la leh Somaliland, sida uu sheegay Rashiid Cabdi.

 

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran baddeed, iyadoo arrintooda ay ka gar-naqayso maxkamadda cadaaladda adduunka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso