Amisom Ayaa Balan Qaaday In Aan La Faragalin Doonin Doorashada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta Kismaayo kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo uu wehliyay Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM.

 

Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madiera waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in la bedelayo Ciidanka AMISOM ee ku sugan Jubbaland.

Sidoo kale waxaa uu meesha ka saaray in aanay wax faragelin ah ku samaynayaan doorashada ka dhaceysa Jubbaland.

 

Xiisada Iyo Xurgufta Siyaasadeed Ee U Dhaxaysa Kenya Iyo Somalia, Ayaa La Filayaa In Ay Saamayn Ku Yeelato Doorashada Jubbaland.

 

Dawladda Somalia  ayaa Doonaysa In Meesha laga Saaro Madaxweynaha Talada Haya Ee Jubbaland Axmed Madoobe, Halka Ay Dawladda Kenya Taageersan Tahay In Uu Axmed Madoobe Mar Kale Noqdo Mid Majaraha U Qabta Maamulka Jubbaland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso