Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Reer Boorama Kala Qayb-galay Munaasibadda Dib-u-lasoo noqshadda Madaxbananidda Somaliland ee 18-ka May.

 

Boorama-18/05/2019(THN)- Madaxweyneku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo, ayaa maanta magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal kaga qayb galay xuska munaasibadda 28-guuradda dib-ulasoo noqshadda madax-banaanida Somaliland ee 18-ka May.
Dadweynaha ku dhaqan magaaladda boorama ayaa si weyn isugu soo baxay fagaaraha kahyriyadda ee magaaladaasi iyagoo waynaynaaya xuska 18may maalinta madax-banaanidda Somaliland.
Waxgaradka gobolka Awdal oo fagaarahaasi kala hadlay shacabka reer Boorama ayaa sheegay in gobolka awdal oo isku duubani ay tiir dhaxaad u yihiin nabad-galyadda iyo sifaha wanaagsan ee Somaliland kaga soocan tahay dunidda badankeeda iyagoo ku adkeeyay shacabka gobolkaasi inay bar-bar istaagaan xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Macdanta iyo tamarta iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa bulshadda reer boorama uga mahad celiyay sida maamuuska leh ee ay u qiimeeyeen maalinta madaxbanaanidda Somaliland ee 18 may, iyagoo halkaasi kaga hadlay waxqabadka ay xukuumadda Somaliland ka waddo guud ahaan goboladda iyo dagmooyinka dalka.

Madaxweyneku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudabad dheer ka jeediyay fagaarahaasi ayaa ka hadlay muhiimadda xuska 18may iyo sidda ay bulshadda reer Somaliland ugu badhaadheen nabad-galadda iyo kala-danbaynta ka jirta dalkani waxaana kamid ahaa hadaladii Madaxweyne ku-xigeenka “Walalayaal waxaan idiinka mahad celinaynaa sida wanaagsan ee aad u xusteen munaasibadda 18may, waa maalin qaran,waa maalin bad-baadisay dalkani kana hoos saartay cadaalad daradii, iyo kali-talis nimadii,Somaliland waxa dhisay Boorama, astaanta qaranka iyo calanka qaranka Somaliland waxa sameeyay mid kamidda shacabka reer Awdal, waa taariikha aanay cid kale idinla lahayn, waxaan hambalyaynayaa ciidamadda qaranka Somliland”.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka hadlay ciidamo lagu dilay Laascaanood iyo gar’adag waxaanu sheegay inay xukuumadda Somaliland masuul ka tahay xilna iska saartay soo qabashadda danbiilayaasha ” waxan ka tacsiyadaynayaa askarigii lagu dilay Laascaanood iyo taliyayaashii hore waxaan u cadaynayaa bulsho weynta reer Somaliland in Xukuumadda Somaliland ay guuto dhan oo ciidamadda qaranka ah u xil-saartay baadi-goobka iyo gacan kusoo qabashadda danbiilayaasha ka hadhi mayno geed kasta oo ay galaan 40 gaadhi oo tiginiko ah ayaa geed kastaba kasoo saaraya,”ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso