Gudaha ka akhri: Taariikh Nololeed kooban : Caaqil Cabdiraxman Xasan Xaaji Aadan (Busri)

 

Alle ha u naxariisto Caaqil Aw Abdi, wuxuu ku geeriyooday dalka Sweden bishan 11/5/2019. Waxaana lagu aasey Jimce 17 May 2019 Ludvika, Sweden.

Caaqiilku waxa uu ka mid ahaa madax dhaqameedka Gobolka Maroodi-jeex.
Marxuumku wuxuu ku dhashay Magaaladda Hargeysa, Gaar ahaan xaafadda Jameeco-weyn 1954kii, wuxuu aha curadkii AHN Xasan Xaaji Adam iyo Hooyo Shukri Axmed warsame oo hadda Hargeysa ku nool, 6 Caruur ah iyo Xaas ayuu ifka kaga tagay caaqil Cabdirahman xasan xaaji..
Wuxuu muddo ku dhaw 25 sanno ahaa caaqil, isagoo ahaa cuqaasha faro ku tiriska ah ee aqoonta lahaa.

malcamadii ka dib, Waxabarashadiisii Dugsiyadda wuxu ka soo bilaabay dugsiga hoose ee Qudhac dheere, Axmed Gurey, 1st July iyo Faarax Oomaaroo uu kaga baxay dugsiga sare 1974kii.

Dugisiga sare markii uu dhamaystay wuxu noqday (Cadet officer ) Ciidankii Soomalida ee Xoog Dalka ka dib waxa loo diray Midowgii Soofiyati (Ruushka) si u soo qaato tabar Sarkaal. Dagaalkii 1977 /1978 ayuu Ruushku dib ugu soo celiyey dhamman Saraakiishi Ciidankan oo idil.

Caqiilku wuxu u dhoofay Abu dhabi (UAE) oo uu muddo dheer ku sugnaa, kana shaqeyn jirey shirkadaha waaweyn ee shiidaalka.
Dalka ayuu dib ugu laabtay si u uga qayb qaato dib u xoreyntii iyo halgankii.
Wuxu si hagarasho lahayn oo mug leh uga qeyb qaadatay dib u dhiskii Qaranka, Nabadeyntii iyo hub ururintii, waxa xusid mudan gacanta uu ka geystay dib u dhiskii Waxbarashada dhinaca ,horumarka reer miyga.

Marxuumku uxu ahaa qoraa ku xeel dheer, dhaqanka iyo hidaha weliba Fanka iyo Suugaanta iyo tebinta iyo ururinta taariikida ee qarniyadii tegay.
Qoraalkiisa, Carrabkiisa,Fikirkiisa iyo Ra’iygiisuba waxay ahaayeen kuwo turxaan la’ oo aanu mansab iyo manfac ku raadin jirin oo ku salaysan waaqiciga iyo xigmad. Wuxuuna ahaa ruux furfuran oo bashaadh ah.

Waxa ka go’naayad marxuumka uu kuna dheganaa in uu ku baraarujiyo dhalinta himilada fog iyo danta guud maadama ay dhalintu tahay xooga iyo mustaqabalka ummada.

Sababahaas iyo kuwo la mid ah ayaan u jecelaystay in aan qoraaladiisi dib u xuso.

Qormaad laba iyo kuwa ku xiga waxaa soo gudbin doona :
1.Qaylo dhandhaantii uu ka galay Machadka Caafimaadka Hargeysa oo xidhmay & iyo cabashadii Ardayadda iyo Xuseen Samater Ahmed oo aha maamulihi waagaas.

2. Kulan dhex marey Marxuum Maxamed Ibrahim Cigal iyo wafti uu hogaaminayey
Pro.SulemainA.Guuled oo arin jamacada Camuud ku Saabsan waday (waxaan so qaban qaabiyey Dahir Riyale Kahin oo aha M/weyne ku xigeen)

3. Maqaalo taxane ahaa oo ku soo baxay Toggaherer kuna saabsana taariikhda Ceel Hargeysa iyo bilowgii magaalaynteeda ( Suldan Diiriye , Sheikh Haruun Maygaag Ilka dheere iyo sheikh Madar. Bilowgii Jameeco weyn ila Sakatal-Liira)
Gaaroodi ,Haldoor org , Qalinsoor iyo heyadaha oo ka aha tiir mar kasta uu so jeedin jiray tallow, tusaale iyo goobaba tabruuc. Samafalka oo idil aya tabi doonaya, dan yartii iyo inta jacal horumarka, cadaalada ….

Qore :Mohamed Yusuf Abdillahi Diirqadhaadh

Advertisement

Ku Xayeysiiso