Dariiqaa Bur-buray iyo daasadaa  Guuxaysa  ayaa dadkeeni ku idlaaday.W/Q: Abdrashiid   Awmuse Aadan      

Asc. dhamaan akhristayaasha karaamadaleh  ramadaan Kariim, waxaa  muuqdaoo sida cedceeda ucad  shilalka gaadiidka iyo dadka ku dhimanaya oo intii ka hore ka badan somaliland .

Waxaa xasuustayda  ku soo noqnoqda daka inanagaga baxay dariiqyadaa burburay iyo daasdaha guuxa ee aan loo meel daynin, qadarka alle Ka sakow inaka ayaa gabnay In ay wax isbadal ahi yimaadaan oo dhanka wadooyinka iyo wadayaashaba ah kaagagsii daran waxaa iyana  ina gumaaday gaadhiga guran ee dalka sida Daadka usoo galaya.

Sanad walba waxaa sii kordha dadka shilalka gaadiidak ku dhinta wadankeena bishaa ramadaan waxaa la sheegayaa tirada dhimashada  gaadiidaka inay kor udhaaftay 30 qof  waa muda 7cisho ah.

Waxatan garab taala xili roobaadka dooxyada udhexeeya   gobolada  dalka  oo dhibaato  xoogani  ka taagantay, waxaa ka sii daran qorsha laanta dad iyo dawladba inaga haysta dhibataadan macmiilka noqtay ee wadooyinka iyo gadiidka iyo dooxyadaba ah .

Waxaan maqlaa plans ay sheegto dawladu oo malaayiin doolar Lagu sheego in lagu korsheeyo hawlahan oo kale sida SDF oo kale , Hadana waxa laga qabtaa maaha 10%. Dhamaan mashaariica ah dalka eewadooyinku malaha tayadii, qaabkii  iyo dhismihii wado ee ay ku noqon lahay mid Quality leh malaha Drainage system ama hab ay biyo kaga dagaan wadada waay waxaad arkaysaa waddo farta laga qaaday oo hadana dhulka caadiga ah ka hoosaysa biyuhuna rogmanayaan .

Hadaba maxaa qaldan ma engineers-ka, ma plan-ka mise inaga ayaan awoodin in aynu 30 sano oo ayn gaar utaaganay  waddo quality leh helno aan u bislayn , doodaydu maaha maxaa wadooyinka oo dhan loo hagaajin waayay waayo dhaqaale ahaan ayaynaan awoodin  ee waxa weeye  waar maxaa inoo diiday haba yaraatee 20KM   noqotee in yar oo  leh tayo-fiican( road quality).   Dawladihii kaladambeeyay eekulmiye wax wayn baan ka saarayaa arintaa.!!

Gaba-gabadii waxaa ugu horayn looga baahanyay  dawlada  in ay wadooyinka dalka usamayso qorshe ka sareeye kan hada lagu wado ee kacaa kufka ah ee dawladaha hoose iyo mashaariica ah dhiciska ah, waxaan kaloo soo jeedin lahaa in  wadooyinka loo sameeyo hay-ad ka tayo roon tan ahaatan faraha kula jirta ee warba ka ahyinin. Waxaa iyana loo baahan yay in lagu soo jeedyo indhaha caalamka, deeq bixiyayaasha , ururada bulshada iyo dhamaan daneeyeyaasha halka ay reero la rafanayaan wadooyin raf ah oo aan tayo lahayn.

Hadii kale sideenii awlba aynu ahayn aynu tacsida la boobno kolba qofka haldoorka ah ee dariiqan iyo daasadan inagaga baxa oo aynu nidhaahno shilbuu ku dhintay iydoo aan qadanka labaajinayn. Ilaahay waxaa kabaryay inuu quluubteena tuso tamarteena rasmiga ah ee aynu qaban karno.

W/Q: Abdrashiid   Awmuse Aadan   rashaad055@hotmail.com.

Advertisement

Ku Xayeysiiso