HAJI ABDI WARAABE STREET or HAW STREET

HAJI ABDI WARAABE STREET or HAW STREET

Ramadaan Karim dhamaantiin akhristayaal . ALLE(sw) khayr keeda ha inna siiyo .
Sabti dii 11 May 2019 ayay ku beegnayd maalintii uu Godka galay Halyeygii weynaa ee innaga baxay XAJI CABDI XUSEEN(Cabdi Waraabe) Alle ayaynu ugu baryeynaa Janooyinkiisa inuu ku casumo.
Intaa kadib, cid looga waramayaa taariikhdii Marxuumka iyo doorarkii kala duwanaa ee dib u xoreyntii , Nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka inaanay jirin ayaan filayaa oo waxba taa dib ugu noqon maayo. Waxaase aan soo jeedin lahaa in loogu magac darro , ashyaa aynaan wali halyeeyadeena aynaan kuxusin looguna magac darin laakiin dunida caan ka ah sida WASHINGTON STREET( George Washington oo ahaa Madaxweynihii 1aad ee USA) HAILE SALAASE STREET IYO KENEYATA ROAD. Taas oo ah ; STREETS ka . Waxaana la odhan karaa Main Street ka Caasimada Hargeisa oo kale sidan; Haji Abdi Waraabe Street ama iyada oo lasoo gaabinaayo HAW STREET. Waana jidka wadnaha Caasimada ee Qasriga hor mara. Waxaa intaa ii raaca iyana in Magaalo Madaxyada Shanta Gobol ee kale in sidaas oo kale ay ku wacan tahay in Main streets kooda loogu magacdaro … waa RAYI ani kali igu ah..laqaadan karo lagana tagi karo…

Wabillaahi tawfiiq
Abdirasaq Sh Ali

Advertisement

Ku Xayeysiiso