Sri Lanka oo mar kale xayirtay Baraha Bulshada,ka dib rabshado loo geystay muslimiinta

Xukuumadda dalka Sri Lank ayaa si ku meel gaadh ah u joojisay isticlaamka qeybo ka mid ah Baraha Bulshada,gaar ahaan hannaanka farriin diridda ee Faceboogga iyo WhatsApp-ka,ka dib kolkii Barahaasi lagu soo bandhigay shaqaaqooyin looga horjeedo muslimiinta oo ka dhacay dhowr magaalo oo ka tirsan dalkaasi.

Xayiraadda la saaray mar kale Baraha Bulshada waa tallaabo ku meel gaadh ah oo la doonayo in lagu xasiliyo dalka,isla markaana looga fogaado xasilooni darada sidaasi waxaa yidhi madax u hadashay warbaahinta dowladda ee Sri Lanka.

Tallaabadaan ayaa timid ka dib markii kooxo diimeed Kiristaan ah ay dhagxan ku tureen Masaajidyo iyo goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad muslimiin ah oo ku sugnaa magaalada dhacda Woqooyi galbeed ee Chilaw halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka Kiristaanka ah.

Madaxda dalkaasi ayaa sheegay in xabsiga la dhigay Abdul Hameed oo 38-sano jir ah,kaas oo lagu eedeeyay in uu Baraha Bulshada dhigay shaqaaqooyin looga horjedo dadka muslimiinta ah.

Tan iyo markii ay dhaceen qaraxyadii lala beegsaday Kiniisado iyo hoteello ku yiillay dalka Sri Lanka waxaa kordhay naceybka loo qabo muslimiinta ku nool dalkaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso