Guddoomiyaha Jaaliyada Leeds Somaliland Community Center Uk Oo Qaranka Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Ku Timid Xaaji Cabdikariin Xuseen (Xaaji Cabdi Waraabe)

Guddoomiyaha Jaaliyada Leeds Somaliland Community Center Uk Oo Qaranka Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Ku Timid Xaaji Cabdikariin Xuseen (Xaaji Cabdi Waraabe)

Guddoomiyaha Jaaliyada Leeds Somaliland Community Center Uk A A Hussein (Ina Warmahaye) oo kamida Odayaasha Jaaliyada Somaliland ee magalada Leeds waxa uu dhambaal tacsi ah udirayaa,golayaasha wakiilada,guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay10/05/2019,Magaalada Hargeysa. waxaanu Guddoomiyaha tacsi taa la mida u dirayaa dhammaan tafiirta Reer Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf meel ay kala joogaanba.

Guddoomiyaha  ayaa waxa xusay in Xaaji Cabdikariin Xuseen ahaa geed damala oo ilaa dhalinyaro-nimadiisii kasoo shaqaynaayey, kana danbeeyey danta guud iyo ilaa maalintii Dib loogu dhawaaqay Jamhuuriyada Somaliland ilaa Maanta oo Xaqii u yimi intaasba wuxuu u taagnaa midnimada, nabada, xal uraadinta khilaafaadka iyo taabo-qaadka dawlada Somaliland,

Guddoomiyaha waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha wakiilada,guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka,waayeelka, aqoonyahanka, dhammaan reer xaaji Cabdikariin, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Advertisement

Ku Xayeysiiso