Xaaji Cabdi Kariim Waraabe Oday Mucjisa Ahaa Oo Samaha Iyo Wanaagu Astaantiisa Ahayd,

Allaha ha u naxariisto xaaji cabdi kariim oo loo yiqaanay cabdi waraabe oo  uu alle weyne siiyay cimri dherer,isagoo waligiiba u taagnaan jirey  wanaaga iyo isku soo dhawaynta ummadaha.nin qalbi wanaagsanaa,oday xikmad badnaa taariikhdiisauna sammo iyo wanaag  ku duugnaa, nin aragti dheeraa isagoo ahaa nin tusaale wanaagsan u ahaa cid kastoo sammaha u ollaysa ugu danbayntiina ka baxay  ummada soomaaliyeed gaar ahaan jamhuuriyadda somaliland.
taariikhdiisa ku dheeraan maayo waxba laga qoray buug dhan oo qiime leh dushiisana summad looga dhigay samo talis.oo u qoray qoraa hal abuur aqoonayahan siciid mohamuud gahayr.
balse waxa habboon in laga barto falsafada iyo xikmada  ku duugan noloshiisa taas oon laga goyoon karayn.hadda alla waxaan u wayddiinayaa janno isagoona  hoyday xilli kheyr leh oo ramadaan lagu jiro, waxaan leeyahay qof kastoo sammo fallaha haga dhigto model iyo ku dayasho,ninkaa weyn ee maanta ka baxay iyo tiirka nabada ee maanta tii xaqa ahayd u timid inalilaah wa ina ilahi raajicuun
hamse riiraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso