Tacsi Ka Timid Guddoomiyaha Iyo Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe Jsl, Geerida Xil. Xaaji Cabdi

INNAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN.

ANNAGA oo ku hadlayna magaca shaqaalaha Baanka Dhexe, waxaanu tacsi iyo tiiraanyo la wadaagaynaa qoyska, qaraabada, ehelka, asxaabta, xildhibaanada Guurtida, Wakiilada, Xukuumadda iyo Shacbiweynha Somaliland ee uu ka baxay tiir ka mid ah ragga ku suntan qarannimada, nabadgelyada iyo dhismaha dawladeed ee dalkeena hooyo, Alle ha u naxariistee marxuum Xaaji Cabdi Xuseen ( Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyooday Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.
Xaaji Cabdikariim, waxuu ahaa nin ku hanoqaaday adeegga bulsho, nin nabadeed oon xil kale qaban oon ahayn u gurmadka nabadda. Agtiisa mey oolin colaad, bal se waxuu ahaa nin ku sifoobay isa saamax, iyo is cafin. Waxuu kaalin libaax ka qaatay halgankii SNM, dib u dhiskii qaranka oo min bilowgii ilaa maanta uu ahaa xildhibaan ka tirsan oo hormood ah, Golaha Guurtida.
Waxa marag ma doon ah inuu Alle agtiisa ku weyn yahay, isaga oo Alle cimriga u barakeeyey, iyo isaga oo geeriyooday maalin Jimce ah oo Ramadaan ah.
Alle ha u naxariisto, qabriga ha u nuuro, hana uga dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Qoys, ehel, asxaab iyo qaranka Somalilandna Alle heyna waafajiyo samir iyo duco.

Advertisement

Ku Xayeysiiso