Soonka iyo Sayniska. Qaybta 3aad.. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

Waa barnaamij taxane oo aan idin lawadaagi doonk bishan barakaysan. Taxanaheenna saddexaad waxa uu ka hadlayaa “Saamaynta wanaagsan ee Soonku ku leeyahay werwerka iyo deganaansho la’aanta”.

Diinteenu waxay si’ hagar la’aana innoogu soo tebisay habdhaqanka wanaagsan ee bishan barkaysani innagu soo kordhinayso maalmaha kooban ee la af-xidhanyahay, Jidh ahaan, caqli ahaan, feker ahaan, iyo dhaqan ahaan ba. Si’ loo ogaado xidhiidhka ka dhexeeya xanuunadan iyo Soonqaadka waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa cilmibaadhis kooban oo gaaladu ku ogaatay in Soonqaadku daawo ka yahay xanuunada maskaxda ayna u maare waayeen. Sida werwerka, maaxduunka, iyo degaansho la’aanta. Dhammaantoodna waa xanuuno kale badh dadka aduunka saamayn xun ku leh. Xanuunkani waxa uu sababaa in kale badh dadka adduunku isku dilaan.

 
Haddab, si loo ogaado heerka saamayneed ee Soonqaadku ku leeayahay xanuunada is-ku-buuqa,  werwerka iyo degaansho la’aanta,  waxaa la sameeyey cilmi baadhsi heerkeedu sarreeyo lana adeegsanayo qalabka cabbira heerka is-ku-buuqa ee qofka.  Waxaa xoogga la saaray arday muslimiin ah oo dhiganaysay machad caafimaad, Little Flower Institute Medical science and research. Markii la eegay in ay hore u soomi jireen waxaa laga soo qaatay 20 qof oo caafimaad qaba. Si’ loo caddeeyo heerka is-ku-buuqa werwerka, iyo deganaansho la’aanta waxaa loo adeegsaday qalabka intaas ba cabbira ( DASS 42). Natiijadii ka soo baxday waxay noqotay sidatan; heerka is-ku-buuqa, werwerka iyo deganaansho la’aantu hoos ayuu u dhacay dhammaan ardaydan markii ay soomeen 28 cisho oo bisha Soonqaad ah, marka la barbardhigo heerkii uu markii hore taagnaa. Cilmi baadhsitu waxay ku soo gebogebaysay in ay ogaatay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Soonqaadka iyo werwerka. Qofku marka uu soomanyahay waxaa ka yaraada dhammaan waxyaabaha sababa werwerka iyo kacsanaanta dareenkiisa. Waxa uu qofku galaa xaalad deganaansho.  Dhaqan maalmeedkiisuna waxa uu isu beddelaa mid habaysan oo leh qaabqurxoon kana fogayn kara waxkasta oo ku keenaya werwer. Sidaa daraadeed, warbixintani waxay inagu boorrinaysaa in bisha barakaysan oo la soomaa ay keenayso degaanshiyo, raaxo iyo nolol qurxoon. Hasayeeshee diinteenna ayaa intaas iyo in ka badanba inoo fasirtay. 
 
 
Fekerka aqoonyahanka
Sadam Osman Kaabash
Hargeisa, Somaliland.
Degmada: Maxamed Mooge.

Advertisement

Ku Xayeysiiso