Ilaah haku cafiyee adna cafi walaalkaa.

Ilaah haku cafiyee adna cafi walaalkaa,

Assalaamu calaykum,

Ramadaan wacan oo wanaagsan,

Ilaahay isagaa xume ka nasahan ee,wuxuu abuuray dad kala duwan,dabeecad ahaan iyo abuur ahaanba.

Ilaah SWT dadkaas wuxuu iskugu keenay dhulka ,wuxuuna ka yeelay dad isu baahan,goorkasta, waayo waxaa ka dhexeeya macaamilooyin tiro badan,midkastaana nolosha ayuu dhinac ka haystaa isagoo uu urdaaya inuu noolaado,orodkaa iyo hirdankaa adduunka ka jira waxaa ka soo baxaaya in dadku isku dhacaan kala aragti duwanaadaan, markaa si ay noloshu usii socoto waa muddan in khaladaadka laysu dhaafo laysna cafiyo,haddiii kale waxay noloshu iskugu soo ururi in qofkastaa gafuurka taago calooshana dibiriyo.

Waxaynu ku jirnaa bishii barakaysnayd ,ducooyinka ugu muddan ee lagu ducaysto waxaa ka mid”Ilaahow cafiye ayaad tahay,cafiskana waad jeceshehee Allow ii dhaaf”,cafiska ilaahay ayeynu doonaynaa waqti kasta,markaa waxaa haboon in qofkastaana intuu awoodo  cafiyo walaalkii,waxaa maragmadoon ah in maanta dadku kala sheeganayaan xurgufo ragaaday,ummad isu wada muuqata,is kahanaysa oo aan isu dhaafayn isna cafiyeyn waligeed wax horumar ah ma gaadhayso.walaal walaalkaa u dhaaf waad jeceshahay in laguu dhaafee. Allena wuxuu yidhi”inaad isu dhaaftaan ayaa u dhow cabsida”.qofka markasta walaalkii u dhaafa waa addooon ilaahay ka cabsada markasta.

Xasanulbasri wuxuu yidhi”Akhlaaqda mu’minka waxaa ugu fadli badan iscafinta”,

waxaa fiican qofku inaanu is dulayn oo markasta odhan waxbaan cafiyey,cafisku wuxuu qiimo leeyahay marka booskiisa ladhigo ,haddaan booskiisa la dhigin wuxuu noqdaa ceeb,maanta dadka qaar ayaa ku odhanayaa waar cafis lahaynee raga iska dhici,

Axnaf ibnu Qays wuxuu yidhi”ka digtoonaada nacasyada,oo nacasyadu waa kuwee?waa ku wa inlays cafiyo ceeb u yaqaana”.qofkuu hadduu markasta cadhaysanyahay cidkastana caloosha galiyo isagaa dhib iskugu filan.

Tusaalooyinkan hoos ku qoran haddeynu dhugano waxynu qiimayn karnaa siday dadkii hore u ahaayeen dad wanaagsan oo qiimo leh,innagana waxaynu ka faa’iidaynaa casharo tayo leh nolosheenana wax ka bedela.

  1. Cafintii Nebiga naxariis iyo nabadgalyo korkiis ha ahaate siday ahayd?

Alle isaga xume ka nasahan  ee wuxuu rasuulka naxariis iyo nabadgalyo korkiis ha ahatee faray dhaafitaan(Cafiska),Alle wuxuu yidhi”Qaado cafiska,dadkana wanaaga far kana jeeso jaahiliinta”.

Nebiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee wuxuu u dhaafay dad aad u tiro badan, waxaa ka mid ahayd maalinkii uu furtay soona galay magaalada Makka,

mushrikiintii makka joogtay aad ayey u dhibi jirtay nebiga naxariis iyo nabadgalyo korkiis ha ahaatee,maalinkii uu maka qabsaday intuu kacbadda ku soo uruurshay ayuu ku yidhi”Maxaad umalaynaysaan inaan idinku samaynaayo?markaasay markaliya la oogsadee walaal fiican oo walaal fiican dhalay, Nebiga naxariis iyo nabadgalyo korkiis ha ahaatee muu ahayn mid u heelan aarsi iyo in uu soo xasuusto wixii tegay,wuxuuna nebigu naxariis iyo nabadgalyo korkiis ha ahaatee u furay dhamaantood bug cusub wuxuuna ku yidhi”Iska taga waan idiin dhaafee”.

Marka la awoodo in la cafiyo dadka wax ka fiicani majiraan aan isu dhaafno waan jecelnahay in la inoo dhaafee.Dadka soomalidu waxay ku odhanay alla maan hebel jaanis ku helo beri ayuu sidaas igu sameeyey markaa waan ka jari lahaa,ikhwaani ummad tarajayga iskugu wada jirtaa goormay horumar gaadhaysaa?

  1. Cafiskii Nebi Yuusuf,

nebi Yusuf nabadgalyo korkiisa ha ahatee, markay walaaladii dhibeen ka gadaal waakii noqday wasiirkii maaliyada ee Masar,muddo ka dib waakuwii walaaladii u yimaadeen iyagoon kasayn,ka dib wuxuu ka codsaday waqti ka dib in ay walaalkood keenaan oo ay isaga isku bah ahaaayeen si uu ugu waafiyo miiska,way keenen wuuna kala hadhay walaalkii,waa taariikh dheer ee markii sadexaad ee ay soo noqdeen ayuu Nebi Yusuf nabadgalyo korkiisa ha ahatee ku yidhi”Ma xasuusantihiin waxaad ku samayseen Yusuf iyo Walaalkii idinkoo jaahiliin ah”,markaasay mar qudha wada yidhaahdeen”Maadiga ayaa Yusuf ah?,wuxuu yidhi”Haa anaa Yusuf ah Kanna waa walaakay,Ilaahna gallad ayuu nasiiyey,qofka Alle ka cabsada,Dhibkana ku sabra Alle madayaco ajarkiisa”.

Waxay yidhaahdeen”Ilaahbaanu ku dhaaranee Alle wuu nooga kaa hiishay annaguna waxaanu ahayn qaar gafey”halkaan u socdaa waa halkan tolow nebi Yusuf nabad galyo korkiisa ha ahatee maka aqbalay gafkoodii mise maanta ayuu awood leeyahay ee wuu ku ciqaabay dhibkoodii?

mayee laba shay ayuu sameeyey wuxuu ku yidhi”Wax la idiin qabanayaa ma jirto maanta,Allena waa idiin dhaafi”.qofka raba inuu dal iyo dad dhiso kuma mashquulo kan iyo keerbaa laygu sameyee wuxuu ummadda u jeexaa ilinka is cafinta iyo wax wada qabsiga.

Si nebi Yusuf nabadgalyo korkiisi ha ahatee uu reerkoodi dib ugu dhiso wakaas walaaladii cafiyey Allena danbidhaafka u waydiiyey.

  1. Cafintii Abuubakar Ilaah haka raali noqdee

Abuubakar wakii cafiye saxaabigii uu cuntada siinjiray ee Misdax,ka dib markuu uu ka qayb qaatay warkii beenta ahaa ee laga fidiyey Caa’isha Alle haka raali ahaadee.Abuubakar Ilaah raali haka ahaade markii hore intuu dhaar maray ayuu yidhi” waxba siin maayo gurigiina wuu ka eryey”,Laakin Ilaahay ayaa soo dejiyey aaayado qur’aan ah oo ka waramaaya arintan Alle wuxuu yidhi”Kuwa fadliga iyo dheeraadka lihi yeyna u diidin fuqarada,Muhaajiriinta iyo Masaakiinta in ay wax siiyaan,hana cafiyaan,oo ha u dhaafaan miyeydaan jeclayn in Alle idiin dhaafo?”Markaas ayuu abuubakar yidhi haa ilaahayow waan jeclahay in la idhaafo,wuuna u dhaafay Misdax,halkii ayuuna uga sii waday waxsiintii.

  1. Maymuun Binu Mihraan,

maalin maalmaha ilaahay ka mid ah ayuu Maymuun casumay marti ka dib jaariyadii ayaa maraq u soo qaaday waxayna kula dul dhacday Maymuun, wuu cadhooday misuu is yidhi gacanta u qaad jaariyada,kolkaas ayey tidhi”Mudane adeegso aayadan,Kuwa cadhadooda qarinaayaa,markaas ayuu yidhi “waan qarshay cadhadaydii”,misay tidhi sii soco ,yacnii aayada sii wad, misuu yidhi waan kuu dhaafay;markaasay akhriday aayada dhamaadkeede “Alle waa jecelyahay kuwa wanaaga sameeya”,wuxuu maymuun yidhi”Wajiga ilaahay Ayaan kuu xoreeyey”.sidaas ayuu maymuun ugu dhaafay jaariyadii isagoo awooda in uu khaladkeeda ku ciqaabo,maaha qofku markuu waxba tahli kari waayo in uu yidhaahdo hebel waan iska cafiyey,laakin markuu wax samayn karo aya fiican in uu cafiska badiyo.

Tusaalayaashaasi waxay si qoto dheer iyo dhiirigalinba leh inoo tusayaan sida dadku u kala duwanyahay iyo in qofka sharafta lihi uu yahay kan markasta dadka cafiya.

Waa ramadaan ee aan is cafino allena waa inna cafiyiyee.noloshuna qiimo kumalaha middi middi ku mud laakin waxay micne iyo macaan ku leedahay in gacmaha lays qabsado oo wixii dhib ahna laysu dhaafo, laysna cafiyo.

Cabdinaasir Xasan Macallin.

Zudaizi2020@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso