Dowladda Indonesia oo ku dhawaaqday in ay diyaarisay diyaarad Suxuurta dadka u kiciya

Sida lagu baahiyay barta Twitterka ay ku leeyihiin taliska ciidamada Cirka Dalka Indonesia,waxaa ay ku dhawaaqday Indonesia in ay jirayaan diyaarado loogu talagalay in dadka sooman ay ka caawiyaan in suxuurta ay u soo kiciyaan dadka.

Taliska Ciiddamadda cirka ee dalkaasi Indoneesiya ayaa ku dhawaaqay inay ka qayb qaadan doonaan dhaqanka soo jireenka ahaa ee dalkaasi ka jiray,kaasi oo ah in dadka suxuurta loo kicinayo bisha barakeysan ee Ramadan inta lagu guda jiro.

Sidoo kale Ciidanka Cirka dalkaasi ayaa xusay in tebabarka diyaaradaha dagaalka lagu sameyn doono magaaloyiin dhowr ah oo ku yaala jasiirada Java,sida Surabaya oo ku taala Java-da bari, Surakarta, Klaten iyo Sragen oo iyaguna ku yaala badhtamaha Java iyo sidoo kale Yogyakarta,si loogu faa`ideeyo dadka saa`imiinta ah.

Col. Sus M. Yuris oo isaga ah Afhayeenka ciiddamada Cirka ee dalkaasi Indonesia, ayaa sheegay in howlgalkan uu san ahayn oo keli ah in dhaqankii la ilaaliyo balse in la xaqiijiyo in ciiddamada cirka aysan sameyn wax tababar ah bisha Ramadan.

Qorshaha ayaa lagu sheegay in diyaarado jawi hoose ku duulaya ay qabsadaan hawada dalkasi,waqtiyada suxuurta,si dadka sooman looga caawiyo in ay fursad u helaan waqtiga suxuurta oo ah mid muhiimad gaar ah u leh saa`imiinta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso