Baroor diiqdii Xasan Dhuxul LaabsalaaxWuxu yidhi:

Baroor diiqdii Xasan Dhuxul Laabsalaax
Wuxu yidhi:

ALLAH JANADII HA KA WARAABIYO

• Dhanbaalku Xumaa, Dheguhu maqlayaan
• Warkiyo dhacdadiyo, Dhiiladu ba’anaa
• Dhalaan iska daa, ilmadu ka Dhacdee
• Haday dhagaxdiyo, dhulkuba hadlayaan-
• Tiirkaa dhacaybaa, Umado Dheerayn!

• Markay Dhabaqdee, Taladu Dhacantee
• Nin xuni dhirta iyo, Dhufayska Galee,
• Qoryaha laba dhaca’ intay dhufsadaan
• Makasta dhoohani, ku dhiiran jireen
• Duqii dhab ahaan, samaha u dhashee
• Wixii dhib yimaad, dhamayn jirayee
• Nabada dhidibkiyo, salkaba u dhigaa.
• Aakhiro u dhurtoo, xabaal la dhigee-

• Muxuu dhagar Baajay, dhiig Qulquloo
• Muxuu dib u dhigay, balaayo dhacdoo
• Si ay u dhaqdaan, dadkani u dhistaan’
• Dheelkiyo Qabawgiyo, Dhaxamo u maroo-
• U soo Jilib dhigay, Dharaara adkaa, –

• Xaqiyo Dhimashada, Adaa Dhigayoo-
• Adoonka ka Dhaafa, Dunuub ka dhacdoo
• Dhankaaga Adaan, Rabboow dhawrnoo
• Dhamaan Gacmaan, Ku hoos Dhiganee-
• Rabboow Dhaxalsi, Dhawaaqa Sanoo-
• Rabboow dhibyaraan, dhexgee janadii

#Xasan_Dhuxul_Laabsalaax

Advertisement

Ku Xayeysiiso