AKHRI: Maamulxumo Hadhaysay Kulankii Ay Prof. Galaydh Iyo Samatar Ku Qabteen Boorama+VIDEO

AKHRI: Maamulxumo Hadhaysay KulanKKulankii Ay Prof. Galaydh Iyo Samatar Ku Qabteen Boorama+VIDEO

Boorama, (Togaherer) – Dood siyaasadeed aad loo sugayay oo Sabtidii lagu qabay Huteel Rays ee Boorama ayaa ku dhamaatay fawdo iyo maamulxumo. Dooddan ayaa waxa dadweynaha kula hadlayey isla markaana su’aalo lagu weydiin lahaa labada Aqoonyahan ee kala ah Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

Sida uu shalay boggiisa hore KU daabacay Wargeyska  Saxafi  Doodani ma ay noqon ama uma muuqan mid ay ka faa’iideystaan siyaasiyiintii, dhallinyaradii, culima Awddiinkii iyo dadweynihii madasha doodaasi soo buuxdhaafiyay fiidkii.

Dooddan oo indhawaaleba la sugayey, qaabsoomiddeedana muran badani ku dhex maray maamulka Dawladda ee heer gobol ilaa heer Degmo, ayaa dhinaca kalle waxa isku fara saari gaadhay xubno ka tirsan siyaasiyiinta xisbiga Waddani oo makarafoonkii ka faramaroojiyey xidhiidhiyihii dooddan.

Dhinaca kale, habkii loo maamulay dooddan oo loo qorsheeyey in madasha dooddan lagu soo galo kaadhadh hore loo sii diyaariyey ayaa qaybo ka mid ah qaban qaabiyayaashu markii dambe u beddeleen in kaadh la’aan lagu soo galo, taas oo keentay in boqolaal dadweynaha ka amid ahi  buuxdhaafiyaan madasha, hadaladii halkaa laga jeediyey iyo su’aalihii ay ka jawaabayeen aqoonyahanadaasina aan waxba laga maqal,  buuq badanina ka dhashay.

Waxa kale oo doodan qiimaheedii hoos u sii dhigay qaar ka mid ah dadweynihii u badnaa dhallinyarada ee ka soo qaybgalay oo weydiinayey su’aalo aad u liita, kuwaas oo shakhsi ahaan u muuqday in cid lagu durayo oo nusqaan ku ahaa meeqaamka doodaasi iyo aqoonyanadaasi taasoo sababtay inaysan doodaaasi wax saamayn ah ku yeelan bulshada.

Guud ahaan dooddaas ayaa waxa wehel u noqday Maamulxumo baahsan iyo nidaam khariban oo is-dhexyaac badan keenay.


  • Advertisement

    Ku Xayeysiiso