Qasriga Muuse dhisanaayo iyo qamuumyada shacabkuu qoobada kaboobay.

Madaxweynaha Somaliland Mundane Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinba maalinta Ka danbaysa u sii xuub siibanayaaya qaabkii lagu yaqaanay askartii kalitaliska ahayd ee soo maray gayiga afrikada Bari isaga oo cagta saaray dhabadii ay qaadeen askartaa kahoraysay ee ay kamidka ahaayeen:- Migiste Xayle-maryam, Maxamed Siyaad Bare,Iidi Amiin,Cumar Xasan Albashiir iyo kuwii lamidka ahaa.

Waxa is weydiin mudan isaga oo Mudane Muuse Biixi aan Ku qabsan dalka qori caaradii iyo afganbi oo Ku yimid far khad loodaray iyo dooraasho dumuqraadiya maxaa kalifay inuu la halmaalo  ragaa Ka tegey taariikhda madow? Jawaabtu waa Muuse waa Askari,oo aduunka oo dhan Dal Askari kataliyey oo mahadiyey lama hayo, dhanka kale waxa Mudane Muuse lagu sheegaa Mujaahid usoo halgamay dalka hadana waxa soo ifbaxaaya inuu ahaa uun Askari ka cadhooday askarigii u talinaayey wakhtigaa,waayo wixii wakhtigaa laga dagaalamaayey wax Ka xun ayuu Ku kacay ah kali-talisnimo,cadawnimo,cadaalad daro,caddaadis,cago-juglayn, cabudhin,Amar-kutaaglayn,barakicin,boob, xaraash-hanti-qaran,macangagnimo, arxandaro,qabyaalad iyo sifooyin ugaara askarta siiba kuwa kalitaliska ah oo ah waxba looma sheegaan keni adag oo cidna talo weydiin cidna dheg jalaq usiin.

Waxaana taa u cadayn ah qasriga uu dhisanaayo Mudane Muuse ee uu ku sheegaayo madaxtooyo cusub ,waxa isweydiin mudan Jamhuuriyadan curdinka ah ee Somaliland waxa lagu dhidbay oo ay kusoo caano maashay wada tashi iyo wax wada gorfayn iyo caddaalad se haddii laga talaabsado wixii ummadu ku dhaqmi jirtay waa ayaan Daro iyo Qaran dumis.

Iyada oo aan ciddi diidayn haddii xaajo lasoo bandhigo oo laysla gorfeeyo oo laysku raaco waa lawada meel marin wax meel marana wey noqon, se arin aan gudi loo saarin oo lawada gorfayn oo baarlamaan la horkeenin oo laysla eegin oo laga wada xaajoon oo bogcad booli ah oo shacab laga boobay oo maati laga bara-kiciyey laga yagleelay in lagu sheego madaxtooyo qaran maaha! se sakaaro xaar muuqmuuqday aas aastaaye waxa jira oo ayaan-daro ah in dalkii lawada xaraashay oo maantana Madaxtooyadii qaranka uu Mudane Muuse ka iibiyey ganacsade qoyskiisa ah oo ka hirgashan doona goobo ganacsi Marka uu Mudane Muuse xaafadiisuu kasoo jeedo qasri uga dhiso isna lagu wareejindoono furaha madaxtooyada,ganacsadahan oo mudo dabada kariixaayey si uu u hantiyo dhulka madaxtooyadu ku taal waana arinta keentay in aan qaranku ka xaajoon arinka rarida madaxtooyada.

Iskusoo wada duub oo waligeedba Askari Dal loo dhiibay qasri uu dhisto ayuu Ka bilaabi jiray aakhirkana waa lagu dumin jiray isaga oo dhex yuurura, se waxa ayaan Daro ah shacabka maatida ah ee milatariga lageliyey ee la barakiciyey ee dhulkoodii laboobay ee waxyeelada loo geystay ee lagu eegaayo hagardaamada iyaga oo bacad-yaal ah waana ayaan-daro iyo arin ku ugub ah reer Somaliland ee ilaahow inoo sahal.

Illaahay baa mahadleh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso