Faalo Kooban : Hay’addaha Warbaahinta Iyo Suxufiyiinta S/Land Aad Ayaan Ugu Dhaliilayaa In Aanay Baahin Oo Indhaha Ka Qarsadeen Xaaladda Dhaawaca Suxufi Khadar Macalin Deeq Loo Gaystay

Hay’addaha Warbaahinta Iyo Suxufiyiinta S/Land Aad Ayaan Ugu Dhaliilayaa In Aanay Baahin Oo Indhaha Ka Qarsadeen Xaaladda Dhaawaca Suxufi Khadar Macalin Deeq Loo Gaystay

 

Hay’addaha Warbaahinta Iyo Suxufiyiinta Somaliland Aad ayaan u dhaliishanahay oo waliba u la yaabanahay Sababta ay u baahin la yihiin ama kor ugu qaadi la yihiin Warka Dhaawacii Gardarada ahaa ee Ciidanka Somaliland u gaysteen Suxufi Khadar Macalin Deeq oo Cusbitaalka Gargaar ee agaaladda Hargeysa u Jiifa dhaawacii Asksariga laba Xidiglaha ah ee Sarkaal Cabdi Madoobe oo Tiraafiga Somaliland ka tirsani uu gadhsiiyey oo Habeenkii 3aad uu Cusbitaalka Gargaar u jiifo suxufi Khadar.

 

Waxay ahayd in aan laga gaban indhahana laga qarsan ee ay Saxaafadda Somaliland iyo Suxufiyiinta deegaanadda dalka ka hawlgala intuba ay cod dheer ku cambaareeyaan weerarkii qaawanaa ee Sarkaalkan Ciidanka Somaliland ka tirsani ku dhaawacay suxufi Khadar Macalin Deeq, waxay ahayd inay Suxufiyiinta kala duwani u kuurgalaan soona bandhigaan xaaladda suxufiga , sidii uu dhaawacu u gaadhay iyo tacadiga ay Ciidamada Bilayska iyo Taraafigu ku hayaan suxufiyiinta dalka, balse arintani waxay u muuqata in laga aamuso oo aanay saxaafaddu ka hadal xaaladda Suxufi Khadar Macalin.

 

Waxaan Aaminsanahay inay noqon doonto SUNE xun oo laga dhaxli doono in aanay Saxaafaddu dhexdeeda isku hiilin iyo inay Saxaafadda Somaliland ka raali noqotay iyadii tacadi kasta oo Suxufiyiinta loo geysta inay wax iska caadi ah oo aan kor loo qaadin ka hadalkeeda xaaladu noqoto taasina meesha ka saari doonto ama Carqalad ku noqon doonto shaqadii Saxaafadda iyo Wariyayaasha ee hawlmaalmeedkooda ay ku gudan jireen oo cid kast aanay Ixtiraam ama xishmad u hayn oo Dawlada ama ganacsatada iyo cid kasta oo aan ka raali ahayn Mihnada Saxaafaddu inay wax ka baahisa ay si fudud u hor joogsan doonaan tacadiga ay doonaan u gaysan doonaan Suxufiyiinta reer Somaliland ama gudaha dalka ka hawlgala ee bulshadda aan codka iyo awooda lahayn u adeegi jiray, figa ay doonto.

 

Ugu dambayntii waxaan leeyahay xata ma cada in uu xidhan yahay ama waxa laga yaaba in uu xoriyad magaaladda ku dhex joogo Sarkaalkii laba Xidiglaha ahaa iyo Askarigii la socday sida Badheedhka ah Weerarka noogu soo qaaday una dhaqmaayey sidii oo dalka aanay dawlad iyo sharci isaga wax ka qaban karaa Somaliland ka jirin ee Dhaawaca ilaa maanta uu Cusbitaalka Hargeysa ku yaala u jiifo ee xaq darada iyo gardarada qaawan ahaa ugu gaystay Suxufi Khadar Macalin Deeq, waxaana xata aanay dareemin dawladdii ama Taliskii Ciidanka Bilayska Somaliland ee uu ku abtirsanaayey Sarkaalka iyo Askariga uu watay ee Falka Arxan drada ah Suxufiyiinta u la badheedhay oo ay ahayd in sharciga lagu ciqaabo lana dhadhan siiyo falka ay kula kaceen dadkii ay ahayd inay amnigooda sugaan.

Qalinkii:  Zir Abdiwali Ali

Abdwali1991@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso