Cilmi Baadhis Caddaysay Qofka Subaxii Quraacda dib Dhigaa in uu Halis Caafimaad ugu Jiro Xanuunada Wadna Xanuunka. Turjumaddii: Sadam Osman Kaabash.

Cilmi-baadhayaal Maraykan ah ayaa ogaaday in ay wadna xanuun sababto quraacda oo subaxii laga kallaho. “Marka lays barbardhigo dadka goor hore quraacda iyo kuwa dib dhiga; dadka quraacda dib dhiga  ayaa 87% uga jaanis badan in ay qaadaan xanuunada wadnaha  mustaqbalka, gaar ahaan xanuunka qalalka(stroke)”,  Cilmi baadhista ayaa sidan caddaysay. Shakhsiyaadka quraacda dibdhiga (skipped breakfast) waxay saddexlaab khatar ugu jiraan xanuun ka qalalka marka la barbardhigo kuwa goor hore quraacda.
“Waa maxay sababta  quraacda oo dib loo dhigaa ay sun u tahay?”,  waxaa ka jawaabay Dr. Wei Bao, oo hogaaminaaya Cilmi baadhista ay samaysay jaamacadda Lowa.
Daraasaddu waxay caddaysay sababo badan; kaw, sida muhiim ka ah quraacda oo laga toobiyeeeyaa waxay suuraysaa ama caawisaa habka-cunna-cunista qofka oo kor u kacda qaybaha danbe ee maalintii. Taasna waxay horseedaysaa in qofku cayilo (obesity). Laba; shaqada Insuliinka ayaa iyana noqonaysa mid fadhiida oo aan shaqadii loo baahnaa qaban karin si’  ay jidhka uga maamusho sunkorta badan ee soo gelaysa si’ kayd ahaan loogu tuulo. Markasta oo qofku cunto badan quutaana waxay horseedaysaa is-bedel dheecaameed oo sababa in uu qaado cayilaad (obesity) iyo xanuunka sonkorawga (diabetes) oo isku lifaaqan. Sababtuna waxay tahay dheecaankii (insulin sensitivity)  maamuli lahaa heerka sonkorta si’ uu ga yareeyo jidhka xaddiga badan ee sonkor ( glucose) iyadaa oo kayd ahaan loo rogaayo ayaa shaqadiisii gabay. Saddex; waxay sidoo kale cilmi baadhsitu qeexday in quraacda oo dib loo dhigaa caawiso in dhiig-karku sii siyaado. Ugu danbayn, cilmibaadhsistu waxay caddaysay in quraacda oo dib loo dhigaa ay keensanayso duxda dhiiga “cholesterol”oo  heerkeedu aad u sarreyo.
Aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga wadnaha ayaa isna sii xoojiyey cilmi baadhistan. “Waxay ahayd wax hore loo sii diiwaangeliyey in cunto dhammaystiran oo uu qofku cuno subaxii ay siinayso caawin habka uu u  shaqeeyo habdhiska wareega dhiigu”, waxaa sidaas yidhi Dr Mohammed Imam, kaas oo aan ku lug lahayn daarasaddan cusub. Waxa uu hormuud ka yahay  qaybta qalliinka wadnaha iyo saableyda ee cisbitaalka  jaamacadda Staten island magaalada New York”.
Ugu danbayn daraasaddani waa mid mala-awaala, soo jeedinna u badan oo aan xaqiiqdeeda weli lays la meel dhigin.
Fekerka aqoonyahanka:
Sadam Osman kaabash.
Hargeisa, Somaliland.
Degmada: Maxamed Mooge.
Biomedical scientist.

Advertisement

Ku Xayeysiiso