Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Somalia oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Bankiga Dhexe ee Somaaliya ayuu maanta Xilka si rasmi ah kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Guddoomihii hore ee Bankiga Dhexe, Bashiir Ciise oo ka hadlayay  waxyaabihii usoo qabsoomay Bankiga dhexe sanadiihi la dhaafay ayaa sheegay in haatan uu marayo xilligii ugu haboonaa Madaamada Dhaqaalaha Dalka uu marayo dib ukabasho sido kale wuxuu bogaadiyay guddoomiyaha Cusub Xilka Culus ee loo ekmaday.

Gudoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay Shaqadii uu soo qabtay guddoomiye Bashiir waxaana sheegay inuu ka shaqeynayo  sidii dalkaan looga gaarsiin lahaa isku filnaasho.

Dhinaca kale Guddoomiyah  Cusub ee Bankiga Dhexe ayaa kulan isbarasho ah la qaatay qaar ka mid ah Shaqalaaha Bankiga dhexe, sidoo kalena laguma Sagootinayay Gudoomiyhii hore ee Bankiga dhexe, waxaana guud ahaan lagu bogaadiyay waxqabadka bankiga dhexe uu u haayo ummada Soomaaliyeed.

Marwo Maryan Cabdullaahi Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga Dhexe ayaa sheegtay in gacmo furan ay kusoo dhoweynayaan guddoomiyaha, shaqaalahana ay yihiin dhalinyaro Xirfad uleh shaqada Bankiga dhexe.

Guddomiyaha Cusub ee Bankiga dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa balan qaaday in Shaqo hufnaan leh uu la imaan doono,wuxuuna shaqaalaha ku dhiira geliyay in qof kasta si cadaalad u shaqeeyo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso