Birmingham oo lagu qabtey xaflad lagu soo dhaweeyey Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga kulmiye & Ex- Wasiir Cukase (Sawiro).

Magaalada Birmingham ee Caasimadda Ku-xigeenka Ingiriiska ayaa shalay waxaa Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Xisbul xaakimka kulmiye Md, Axmed Cabdi Dheere iyo Ex- Wasiir Maxamed Daahir Cukuse, Xafladda oo ay isku dubaridkeeda lahaayeen Jaaliyadda Somaliland ee Birmingham UK gaar ahaana odayashooda Musdanbeedka u ah oo uu hogaaminaayey Gudoomiye ku xigeenka Kulmiye ee Birmingham Mudane Fariid Diiriye Nuur.

Waxaa ugu horay lagu furay Aayadaha Quraanka kariimka ah, waxaa xafladda daahinaayey Wariyaha Ruug-Cadaaga ah ee Daahir Ismaaciil Xaaji Aden.

waxaa Goob joog ahaa dadweyne badan , oo isaga kala yimid Gobolka Midlands ee Birmingham Gudihiisa iyo Dibadiisa iyo Marti sharaf kale.

Xafladani ayaa ka duwanayd kuwii hore ee lagu qaban-jirey Magaalada Birmingham, waxaanay ahayd mid mideysay dhamaan tageerayaasha xisbiyada Qaran Somaliland oo dhan.

Mudadii ay socotay Xafladda ayaa waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay qaar ka mid ahaa ka soo qayb galayaashi munaasibada oo ay ka mid ahayeen: oday Maxamuud X. Xasan Geelle, Gudoomiyaha Jaaliyadda Birmingham Uk, Md, Cumar Cabdilaahi Yaasiin, Siyaasi Axmed Jawhari oo ka yimi Magaalada Sheifeld, Caaqil Cabdi Ibraahim Cigaal, Dr, Omar Muuse, Oday Faarax , Maxamed Cali Axmed (Jaadhi) , Siyaasi Cabdilaahi Feyr.iyo Maxamed Maakhiri.

iyagoona si wadajir ah taageero balaadhan ugu muujiyay Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbiga kulmiye, Md,Axmed Cabdi Dheere iyo Ex- Wasiir Md Maxamed Daahir “Cukuse”, isla-markaana fariin u diray Xisbiyada Qaranka gaar ahaan xukuumadda Xisbul-xaakimka kulmiye , in ay markasta in ay tanaasul ka sameeyeen hawlaha Qaranka.

Waxaa kaloo iyaguna xafladda Goob joog ahaa, Ambassador Abdirizak Meecaad , La-taliyaha Madaxwaynaha Somaliland Md Cabdo Axmed “Aayir” iyo Ex- Agasimihii tvga Qaranka ee Qaarada Yurub Garyaqaan Abdirahman Ali Ubaxle oo ka hadlay xaflada kuna soo dhaweeyey Magaalada Birmingham ; Gudoomiyaha 2″aad ee Xisbiga kulmiye iyo Ex-Wasiir Cukuse, waxaanay aad ugu dheeradeen qaabka xafladdu u dhacday iyo sida quruxda badan iyo wadajir ku dheehnayd ee tageerayaasha Xisbiyada Somaliland ugu soo wada qayb-galeen, waxaanay u mahad-naqeen Qaban-qaabiyaashii xaflada iyo Dadweynaha Somaliland ee wada jirka muujiyey, iyagoo ku booriyey inay markasta isku duubnidaa lagu muujiyo Wax-qabadka iyo wada jirka Somaliland.

Ugu danbeyn : Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Md Axmed Cabdi Dheere Iyo Ex-wasiir Cukuse : Hadalo ay ka jeediyeen Madasha, intii ay xafladu ka socotay ayaa waxay u mahad celiyeen Xafladda Soo dhaweynta ah ee Birmingham loogu sameeyay, iyagoona jaaliyadaha Somaliland ee Ingiriiska, gaar ahaana reer Birmingham ku tilmaantay in ay yihiin Bulsho isku duuban dhamaantood iyo u howlanayaasha Dadka iyo Dalkooda.

Su’aalo la weydiiyey oo ka mid ahayeen fulinta heshiiskii khaatumo ee xukuumada kulmiye la gashay Prof Cali Khaliif “Galeydh” ayey dhamaantood ka jawabeen.

Waxaana ay xafladii ku soo dhamaatay jawi wanaagsan oo qurux badan.

Adan Yusuf ElmiĀ 

B,ham/Uk

Advertisement

Ku Xayeysiiso