Ruux loo xidhay hanjabaad uu u geystay Ilhaan Cumar iyo xubno kale

Boliiska Mareykanka ayaa magaalada Folorida ku qabtay nin looga shakiyay in ay la tagtay Cunsuriyadda, Naceybka dadka soo galootiga ah iyo kuwa Islaamka,kadib markii uu cod farriin ah uu u diray xubno ka tirsan xisbigga Dimoqraadiga.

Eedeysanahaan oo 49-sano jir ah waxaa lagu magacaabaa John Kless,kaas oo lagu eedeeyay in cod farriin ah oo hanjabaan ah uu u diray Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ah haweenka Muslimka ah oo ku jira xisbigga Dimoqraadiga.

Ninkaan ayaa sidoo kale farriimo xambaarsan naceyb iyo hanjabaadyo dil ah  u diray Eric Swalwell oo ah nin doonaya in xisbiga Dimoqraadiga uu ku matalo doorashooyinka la filayo sanadka 2020-ka ee madaxtinimada dalka mareykanka iyo Cory Booker oo ah Senetor madow oo Amerikaan ah.

Eedeysanahaan ayaa lagu waramay in uu farriintiisa codka ah ku muujiyay naceybka uu u qabo Ilhaan Cumar,waxaana uu sidoo kale afka ku ballaadhiyay sida uu u arko sareynta dadka caddaanka ah.

Ninkaan ayaa farriintiisa ku difaacay Madaxweyne Trump,wuxuuna uga digay siyaasiyiinta in ay joojiyaan mucaaradnimada ay ku hayaan Madaxweynaha Mareykanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso