Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalkaasi Somaliya Oo Daah-furay Olole lagu Beerayo Hal Milyan oo Geed


Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo maanta ka qayb galay xuska maalinta dhirta Soomaaliyeed, ayaa daah furay olole qorshihiisu yahay in lagu beero hal milyan oo geed.

Dhiraynta dalka ayaa qayb ka ah halbeegyada ay wasaaradda Xanaanada xoolahu ku leedahay tubta horumarinta dhaqaalaha si looga hor tago xaalufinta iyo dhibaatooyinka ka dhasha ee ay kamidka yihiin duufaanta, fatahaadaha iyo abaaraha.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in hadii mawaadin kasta oo Soomaaliyeed uu beero hal geed in dalka si wanaagsan loo dhirayn karo, sidaa darteed ay muhiim tahay in laga wada qayb qaato ololaha dhir beeridda dalka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso