1 Sano iyo Badh Ka-dib, Madaxweyne Muuse Ballanqaadkiisii oo Aan Midho Dhalin Iyo Mahadhooyinkii Laga Dhexlay!

1 Sano iyo Badh Ka-dib, Madaxweyne Muuse Ballanqaadkiisii oo Aan Midho Dhalin Iyo Mahadhooyinkii Laga Dhexlay!

Hal Sano iyo badh ayaa ka soo wareegtay markii hoggaanka dalka uu Majaraha u qabtay Madaxweyne Muuse Biixi, Mudadaasi uu xilka hayey waxaa laga filaayey inuu iska qurxiyo Sawirka ay bixinayso Xukuumadiisu, Si kasta oo ay tahayba, Marba marka ka-sii danbeysa waxaa abuurmaaya Gal-daloollo hor leh oo ifinaaya, In dhammaan Ballamihii uu Madaxweyne Muuse ku soo galay doorashadii ama ku hantiyayba hoggaanka dalka , Aysan u muuqan karin kuwo hir-galaaya. Dowladdu waxay Hal Sano iyo Badhkii la soo dhaafay u Muuqataa mid sii luminaysa Shacbiyadda dhamaan Dadweynaha siiba kuwii fartooda iyagu eeday. Waxayna dib u cunaysaa Sharaftii Iyo Sumcaddii ay Abuureen Xukuumaddii ka horeeyey. Hadaba Marka la eego : Sida xaalku yahay,Waxaa jira Caqabado badan oo la soo gudboonaaday Mudadaasi ay jirtay Dowladda Madaxweyne Muuse Biixi.

1. Madaxweynuhu wuxuu si aan gabasho lahayn u beegsaday qaar ka midda Tageerayaashii Xisbiga Kulmiye iyo Siyaasiyiinta ka aragti duwan. Iyada oo uu qaarkood kula kacay falal isugu jira Xadhig, Xil ka-qaadis, Cabbudhin, Xannibaad Iyo Magac-dilid. Taasoo Xad-gudub ku ah xorriyadda hadalka, Dimuquraadiyadda iyo Sareynta sharciga ee dastuurkeenu kafaalo qaaday.waana sababta Ay dad badan qabaan.: Xisbiga Kulmiye inaanu gaadhaynba Sanadaha Madaxweyne Muuse xilka hayo, marka eegto, falalka Madaxweynaha iyo qaar ka midda Golihiisa wasiirada, kuwaasi oo tageerada Dowladda Iyo Tii-xisbigaba luminaaya.

2. Madaxweynuhu wuxuu dagaal qaawan ku qaaday Shacabka Gobolada Bariga ku dhaqan. isla-markaana khudbadihiisa iyo kuwa qaar ka midda golihiisuba ay jeediyaan; Waxaa ka buuxda markasta qaladaad fara-badan: waxaana jirta kalsoonida darri shacabku ka qaadeen Ereyadda iyo Hadallada la isticmaalo, waxayna dadka qaarkood dhawaaqyadaasi ku tilmaameen kuwo aan la qaadan Karin.

3. Madaxweyne Muuse Biixi ilaa hada wax- isbedel ah kumuu sameyn sanad iyo dheeraad Isku shaandhayn uu wakhtiyo kala duwan soo saaray, kamana muuqato Sansaan muujinaysa inuu dheeliga ka Biiyo xukuumadiisa isla-markaana kuraasta muhiimka ah uu ka saaro gacanta masuuliyiinta ka soo jeeda deegaankiisa. taasi oo weli u muuqata mid dhinac ka Raran.

4. Madaxweynaha ilaa iminka lagama hayo,  sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan qabsoomaddii doorashada Somaliland, taasi oo sababtay in ay joojiyaan xisbiyada Mucaaradku xidhiidhkii wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeyay iyaga iyo komishanka doorashooyinka. Khilaafkaasi wuxuu hakad geliyay meel-marinta waqtigii doorashooyinka, shuruucdiisii muhiim u ahayd, saami qabsigii iyo hawlihii doorashooyinka oo dhan.

5. Madaxweynaha ilaa Maanta waxaa laga  la, yahay Fulinta Qodobadii Heshiiskii lala galay Siyaasiga Prof, Cali Khaliif, Taasi oo dhalisay in Profesorku Magaalada Hargeysa kaga dhex-baadho ciddii heshiiskaasi fulinteedda lahayd! : “Dhawaqaasi wax-weyn Ayuu iftiimiyey” In heshiiskaaasi dhabarka loo jeediyo, haddana Midnimo Somaliland Ayeynu Uunsiga u shidaynaa.

6. Madaxweyne Muuse Biixi: Ayaa awooddii ka qaaday Golaha Wasiiradiisa ee uu soo magacaabay, isagoo ku war-geliyey inaanay qaadi-Karin talaabo aanu ogayn isla makaana xadi go’an ayuu dajiyey lacagaha ay ka saari karaan Baanka. Taasina waxay caqabad ku noqotay wasiiradiisa iyo wax qabadkii laga filaayey inay awood u helaan.

7. Madaxweynaha Golihiisa Xukuumadda Ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin siyaasiyiinta aan saameynta badan ku lahayn Goboladda ay ka soo jeedaan. Waxaasoo dhan waxa ka sii daran oo uu guul-daro weyn iyaduna noqotay habka Cadaaladda ee Qoondada Mashaariicda Horumarinta Goboladda Somaliland gaar ahaana qaybaha Goboladda Bariga loogu talo-galay  oo aad u yar , madaama ay yihiin kuwa ugu baaxadda weyn dalka.    

8. Madaxweynuhu wuxuu dagaal aan loo meel-dayin ku qaaday Ganacsade : Axmed Cismaan Geelle; isagoo la saftay dowlad cadow ku ah Somaliland ,isla-markaana hantidisii awood dowladeed ku haysata, Marka aad eegto dhaliisha odayaashii dhaqanka jeediyeen iyo jawaabtii Afhayeenka Madaxweynuhu siiyay , Waxaad arkaysaa mikrafoon deg dega iyo in markasta aan la dhegaysan Cabashada shacabka iyo helidda Garnaqsi muddeysan.,Waana qodobada ay liig ku tahay xukuumadani. sidaa dardeed ficiladeedu noqdaan kuwo quluubta umadda aan isu soo jeedinayn.

Ugu danbeyntii: Waxaan sugnaaba waa Seddexda sano ee inagu soo fool leh , Waxa u hagaaga iyo waxa ay ka habsaanto dowladda Madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi uu Majaraha u hayo. gunaanadka hadalkeyga waxaan kula talinayaa Madaxweynaha in uu ka faa’iideysto mudada kooban ee maamulkiisa u hadhay.

Adan Yusuf Cilmi

Advertisement

Ku Xayeysiiso