WAX YEELADU DABEECADAYDA AYAY KA MID TAHAY ?

WAX YEELADU DABEECADAYDA AYAY KA MID TAHAY ?

Dabeecadaha dadku way kala duwan yihiin , oo qaarkood waxay leeyihiin ,
1-Dabeecadda xayawaanka doogga cuna oo kale , kuwaas hami iyo qamigoodu yahay , wax lacuno -wax lacabo iyo shahwad uun .
2-Dabeecadda xayawaanka hilibka cunana , waa in uu wax dilo – wax burburiyo -wax gaado colaad -nacayb wax ka baji – hanjabaad -u xoog sheego kuwaad ka xoog wayn tahay iyo shahwad uun .
3-Dabeecadda sheydaanka ayay qaarna leeyihiin , wax lakhiyaameeyo – cid laysku diro- cid la daba galo – dulmi -isku dhifasho iyo camal sheydaan oo dhan .
4-Qaarna dhaqanka malaa iikta oo kale ayay leeyihiin , aadna way u yar yihiin .
Culimada cilmaga nafsiga ma yaqaanaan , ilaa iyo iminka si ay u fasiraan DABEECADAHA dadka , iyo waxa ku kelifa inay wax dilaan – wax burburiyaan – naqayb . iyo cadaawad badan oo ay dadka kale u hayaan .
Beri waxaa dhacdey in uu DIBQALOOC , meel webiya yimi , oo uu doonaayey inuu dhinaca kale uga gudbo , si alaale iyo si uu uga gudbo wuu garan waayey , MARKII danbe ayaa uu arkey RAH agtiisa taagan .
Waxa uu ku yidhi DIBQALOOCII : rahaw dhabarkaaga ma kori karaa , si aan webiga uga talaabo , oo webiga maad iga gudbin ?
RAHII :wuxuu ugu jawaabey : maya raali iga ahaw , WAAYO ? waxan ka baqayaa inaad i QANIINTO ?
DIBQALOOCII :(ayaa ugu jawaabey) miyaad waalan tahay , arintaasu ma dhici karto ,oo caqliga ma geli karto
haddii aan ku QANIINO saw dhiman maysid , anna saw dhiman maayo , oo biyaha ku qarqi maayo .
miyay kula tahay , inaan doonaayo inaan dhinto .
Dibqaloocii waxa uu keenay arin caqli gal ah , oo lagu qanci karo .
illayn hadii aan ku QANIINO adna waad dhimanaysaa , anna waan dhimanayaaye .
RAHII:sidaas ayuu ku ogolaadey inuu xanbaaro dibqaloocii .
RAHII: oo dusha ku sida dibqaloocii ayaa marka uu meel dhexe maraayo webigii , ayaa DIBQALOOCII qaniinay RAHII .
rahii ayaa dareemay xanuunkii qaniinyadii dibqaloocu ku dhiftay , markaasaa inta uu cirka ka qayliyey , ayuu dibqaloocii , su aaley ?
WAAR MIYAAD WAALATAY ? MAXAAD II QANIINTAY ? labadeenuba saw wada dhiman mayno ? sawdigii ii ballan qaadey , inaanad i qaniinin ?
DIBQALOOCII: (baa ku jawaabey) MIYAAD ILAWDAY , INAAN DIBQALOOC AHAY ?.
DIBQALOOCA dabeecadiisa iyo dhaqankiisaa ah , in uu wax qaniino , waayo ? noloshiisa iyo jiritaanka dibqalooca ayaa ku dhisan wax QANIIN .
Xataa haddii ay dhimashadiisu ku jirto .
Hadaba nolosha siyaasiyiinta somaliland (qaarkood) , gaar ahaanna siyaasadda xisbiga KULMIYE , ayaa waxa u saldhig ah , CADAAWAD – NACAYB-AARSI -ISKU DIR -DABAGAL -HANJABAAD – DULMI iyo arimo kale oo aan wanaagsanayn oo badan .
Arimahan oo qaar kale oo badan ayaa ka INDHO tiraaya inay wax qabtaan , dalkii iyo dadkiisii ay wax u qabtaan .
BERINA TUKE ayaa saabuun xaday ,oo la cararey , markaasaa waxa la waydiiyey , WAXA UU U XADAY SAABUUNTA , kol haddii aanu u baahnayn , oo AANU CUNAYN ama AANU KU MAYDHANAYN .
Markaasuu ku jawaabay :DABEECADEYDA AYAA WADA WAXYEELO AH .

CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk

Advertisement

Ku Xayeysiiso