SOCDAALKII ABRAHAM EE BUULA-EELEYDA XAMAR

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham 

… Suurto-gal uma eka in xaafadda Buulo-eeleyda oo ka tirsan Degmada Waaberi warbaahintu waayaheeda nololeed wax innooga soo tebiso, waxa ay ka mid tahay Xamarta aan indhaha saxaafaddu qaban, si kasta oo ay u tiro badan yihiin iyo cid kasta oo leh ba Idaacadaha Xamar ka shaqeeya way ka caaggan yihiin goobaha noocan oo kale ah. 

Way ka geddisan tahay halka aad ku nooshahay bal si aad wax uga baran kartaan aan sawir qoraalleedyo kookooban oo ay dabrayso yaraanta xirfaddayda hummaag reeb idin kula wadaago bartan. 

Meelkasta oo aan u socdaalo hundo-ogaalku waa waxa ugu mudan ee aan wakhtigayga ku bixiyo, u-kuur-galka kala irdhowga dabaqadaha nololleed ee deegaannada aan u socdaalo ayaa iyana ka mid ah arrimaha aan diiradda-saaro. Wax ka barashada waayaha meerto nololleedka dadka caydha ahi waa fallaadha keli ah ee farta iigu fiiqda in qabyooyinkayga qofeed ee i guba ay yihiin  subag hooyo ku marisay.  

Buula-eeleydu waa xaafad isku-raran ah oo dad danyar ahi deggan yihiin, jiingado goodhiyo ama dabakaayo leg iyo buulal ayaa hoy u ah dadweynaha xaafaddan ku dhaqan. 

Habka qaabka daran ee guryuhu isku dhex daadsan yihiin waxa aad mooddaa hadhuudh buur figteeda sare laga soo daadiyay, weligay inshaydu ma qaban xaafad ka isku-raransan. 

Buula-eeleyda malcaamadihii Qur’aanka ee looxa khadka lagu dhigi jiray  ayaa carruurta wax lagu barayay, Qur’aankana hannaankii xertu u baran jirtay ayaa loo barayay, daasado, dhagaxaan iyo midhadh kuraas ah ayaan ku arkay malcaamad aan bookhday. 

Masaajiddii jiiraankayga ee cod-baahiyahoodu i soo gaadhayay sallaga oo wiilal aad u da’yari si wanaagsan ugu luuqaynayaan ayaa dhagaha igaga soo duulayay. Sida oo kale addinka iyo aqiinka labada ba wiilal yaryar lagu laylyay. 

Hilimada xaafadda dhexdeeda mara waxa ay ahayd tuke-baal-cad in aad ku aragto mid laba qof oo caato ahi isku weydaaran karaan. Sida oo kale, waxa aan iyana sahaale ahayn in aad aragto dariiq lugeed shan iyo toban tallaabo qummaati u soconaya. Guriga haddaad ka baxdo waa bakhtiyaanasiib in aad dib u soo heshaa, ugu yaraan laba usbuuc baad u baahan tahay marka aad xaafaddan ku cusubtahay in aad ku barato jidka guriga looga baxo ee waddada weyn kugu ridaya. 

Carruur da’doodu shan sanno ka yar tahay oo iskugu jira kuwa feedho qaawan iyo qaar aan wax maryo ah ba xidhnayn ayaa guryaha aadka u yaryar ee xaafaddan hor tubannaa, qaarkood waxa ay quud-darraynayeen dharyo dhuuni aan weli bislaani dabka u saaran yahay, waxa aanay ugu  darrayd marka hadh-gondo ku ururo ee sabiga gaajada adkaysan waayay oohinta isku jiibiyo, hooyooyinkuna gilgilka girgireyaasha iyo babbiska dabka xoog iyo xeelad ba u iskugu geeyaan.

Urta daawaha canjeerada ama loxooxda gubay iyo digirta waxa soo raacayay sufuudha gaayaha buuriga lagu cabbo ka soo baxaysay ayaa iyana uraha sanku soo sheegayay ka mid ahaa. 

Inkasta oo heesaha oo aad iyo laxaad looga dhagaysanayay xaafaddan haddana kuwa Xiddigaha Geeska ayaad moodaysay in ay guri kasta ka baxayeen. 

Biyo-dhaanka xaafaddani wuxuu u badnaa Kaaryoon laba taayir lagu xidhay oo lix jirikaan la saaray oo aan luuqyada xaafaddan soo gali karin hasa yeeshee hadba jirikaan inta gacanta lagaga soo dejiyo cabbaar lala lugeeyo.

Boqollaal gabdhood oo yaryar oo dhawaan uun baaluqay ayaa sumal-xaday, kuwa kale na waxa ay muuqaal ahaan iila muuqdeen ubax dayreed qurxoon oo biqilka lagu jaray. Isku soo wada xooriyoo xaafaddan aan sidaa kooban uga warbixiyay ee Buula-eeleyda waxa aan ku noolaa muddo toban maalmood ah ujeedkuna wuxuu ahaa in aan waxka barto. Waxa aan ku soo af-meerayaa qormadan. 

Haddaad daar ku nooshahay

Aqallada docdaaduna soo 

Darroorimeeyaan  Ileen dariska 

Liitana dabka waa la siiyaa

Maxa helay dadnimadii?! Cabdiqays.

Advertisement

Ku Xayeysiiso