Halista Warshada Safaysa Saliid Qaydhin

Ku: Madax-waynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi
Ujeedo: Sidii looga Gaashaamashan lahaa Sunta Warshada Safaysa Saliida Qaydhini.

Mudane Madaxwayne
Sidaad la socotid dhawaan ayaa magaalada Berbera lagu daah furteen Wershed sifayn-doonta Saliida Qaydhin (crude oil). Inkastoon la sheegin xadiga maalgelineed iyo waxsoosaar ee warshadan, balse waxa la tilmaamay in maalgashigani ka badan-yahay kii dekeda. Mudane Madaxwayne waxaanu kugu teegeersannahay hirgelinta mashaariicda Dalka iyo Dadkaba faa’iidada u leh, misna waxaan hubaa in aannad ogolaan doonin fulinta mashaariicda keenaya dhib, dhimisho iyo cuduro bulshada ku dhac ama wax u dhimaaya fayo dhaworka deegaankooda. Marka koobaad waxaan Madaxwayne kugu boorinayaa in “aqoon” lagu saleeyo go’aamada dawlada ee khuseeya masiirka fog ee umadan, sida kuwa maalgelinta-ee shirkadaha ajaanibka ahi wadaan.

Qoraalo hore ayaan ku soo gudbiyey talooyin ku’aadan sidii looga gaasham lahaa dhibaatooyinka ku duugan maagashiyada balaadhintii Dekada & Airport ka Berbera, laakiin waxaan aad uga xumahay inaan la qaadan talooyinkaas. Qoraalkanina wuxu daaran yahay talooyin ku aadan Warshada Safaynsa Saliida Qaydhin ee dhawaan Berbera lagu daah furay oo ilaa maanta anaay cadday shaqadeeda (whether the oil is from upstream, midstream & downstream processed crude oil) runta ahi. Mudame madaxwayne mashruucani waa kii ugu khatarta badnaa ee soo marray Somaliland gaar ahaana magaalada Berbera. Wuxuu saamayn tabban oo toos-ah ku yeelan-doonaa bulshada degan Berbera iyo deegaankooda, waa hadaan laga gaashaaman dhibkiisa. Dhinaca kale wuxuu dib-dhac ku keenidoonaa himaladii hormarka Soomaliland. Waayo? horumarku waa isku dheeli tirnaanta nolosha/caafimaadka bulshada, fayo dhaworka deegaanka iyo koboca – dhaqaalaha. Si arinta hormarka looga midho dhaliyo bulshada iyo deegaankoodana loo badbaadiyo, shacabka Somaliland gaar ahaana shacabka Berbera waxay is waydiinayaan su’aalahan;

1. Maxaa looga jeedaa “Saliida Qaydhin”? (a) ma Saliida ceel/well kii toos looga keenay baa (upstream-well stream fluid crude oil), (b) mise waa Saliid gabowday, oo hore loo isticmaalay lakiin la rabona in dib loo nadiifinaayo (recycling of used oil), (c) mise waa hadhaaga saliidaha qaydhin ee warshadaha saliidu soo saaraan (downstream – processed oil by-product).
2. Muxuu yahay wax soo-saarka warshadu (main product)? (a) ma Shidaal-baa, (b) mise waa Daamur mise…. (c) muxuuse noqonayaa qashinka ama by-product warshadu.
3. Sidee saliida warshada loo gaadh-siinayaa? (a) ma haamo cusub bay dhisayaan, mise kuwii hore ayay isticmaalayaan ( crude oil receiving facilities) oo laga kiraynayaa, (b) mise pipe toos ah ayaa isku xidhi doona markanka iyo warshada.

Su’aalahaas jawaabtooda ayaa cadayn-doonta xadiga khatarta warshadu inta uu leegyahay. Inkas-too khatar-ta suntu ku badan-tahay safaynta saliida gabowday ee hore loosoo isticmaalay (recycling of used oil) iyo safaynta qashinka/hadhaaga ah ee laga keeno warshadaha saliida safeeya, misna dhamaan safaynta saliidahu, waxay halis geliyaan nolosha bulshada iyo deegaanka, ka ag dhow warshadaas. Sidaa darteed waxaan kugu talin lahaa in Somaliland marna aanay ogolaan in laga dhiso warshado safeeya saliida gabowday iyo saliida qashin/hadhaa ah toona. Waayo? Dhibka ay keenaan ayaa ka badan faa’iidada ay keenaan (marka laga eego dhinaca bulshada iyo deegaanka ay ku yaalaan). dhinac kale hadii laga eego Sunta hawada (Air pollution) sida SO2, TVOC, BTEX, PM10,2.5 iyo H2S iwm…ee ka soo baxaysa warshadahan ayaa keenata dhimasho iyo xanuuno waara iyo cimil bedel. Dhinac kalena Sunta biyo-ha ee ka soobaxda warshadahan sida Hg, Cr, Cu, Fe,pb, DRO, GRO, PAH, TPH oil and greas iwm… ayaa iyaduna sabab-ta dhimasho iyo xanuuno waara. Sidaa darteed mudane Madaxwayne waxaa kula gudboon inaad hubiso warshadan si loo ilaaliyo nolosh dadka, deeganka iyo dhaqaalah bulshada Berbera.
Warshadan maxaa la gudboon;
Noocay doontaba saliidu ha ahaatee waxa loo baahan yahay in laga saaro sunta ku jirta ka hor in taan la bilaabin shaqada safaynta/karinta/gubista iyo kala shaadhaynta. Qalabka sunta saaraa waa qaali ( millions of dollars) laakiin waxa ka qaalisan nolosha dadka. Sidaa darteed waa waajib xukuumada saran inay dejiso sharciyo ku khasbaaya shirkadahu inay ka saarto suntan, gubista saliida horteed. Ugu yaraan warshadu waa inay leedahay qalabkahoos ku qoran;

1. Acid Gas Removal and treatment units.
2. Dehydration, Mercpatant & Mercury Removal and treatment units.
3. Fractionation and associated Gases, Liquid and Solid removal and treatment units.
4. Sulfur removal unit.
5. Wershadahani waxay isticmaalaan biyo badan oo lagu qaboojiyo mishiinada (cooling water) hadaan la kaantaroolina waxay biyoha kulul kuqubaan bada.
6. Wastewater Recover and treatment unit:
7. Helium Recover and treatment unit.
8. Wershadu waxay soo saartaa biyo badan sumaysan (contaminated) hadaan la kaantoroolina waxay ku qubaan badda (sea) ama ceelel ay qodaan (deep well injection) , ama waxay ku qubaan baliyo/xorfado ay sameeyeen (open lagoons). Arintani waxay halis ku tahay biyaha dhulka hoostiisa (groundwater).
9. Dhibka warshadani waxa kor u qaada laba qodob 1) noocyada suntan ee warshadu sii dayso, iyo 2) dhul (site) ka wershada lasiiyey, hawodhaca dhulkaas iyo biyo dhaca dhulkaas.
Sida kor ku xusay mashruucani wuxuu noqonayaa kii ugu khatarta badnaa ee soo mara Somaliland gaar ahaana magaalada Berbera. Sidaa darteed waxaan Madaxwaynaha, Golaha Shacabka iyo xildhibaanada degmada Berbera ugu baaqayaa in laga tashado sidii loo maarayn lahaa sunta warshadan, waa hadaan la joojin karin. Waa in laga foojignaado inay soo cilinta Darbudhuq-II-Chinese leather disaster. Qoraalada danbe ayaynu ku eegi dhibaatooyinka khaaska ku ah safaynta saliida qaydhin.
(Mohammed Xaaji Ibraahim)
Mujaahid Gaadh haye
Gmail: moa.ibrahim7@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso