Dhakhaatiir Kuuban ah oo laga afduubtay Mandhera Kenya


Wararka ka imanaya magaalada Mandhera ee gobolka Waqoyi Bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan ay saaka ka afduubteen magaaladaas labo dhakhtar oo u dhalatay dalka Cuba.

Kooxda afduubatay dhakhaatiirta ayaa la sheegay inay dileen ilaaladii dhakhaatiirta kahor inta aysan afduuban.

Labadan dhakhtar ayaa qayb ka ahaa, mashruuc ay dawladda Kenya dhakaatiir ajnabi ah uga keensatay dalka Cuba.

Warar ayaa sheegaya in dhakhaatiirta loo tallaabiyay dhanka Soomaalya, Balse lama oga ujeedka ka dambeysa afduubka dhakhaatiirtan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso