Tacsi Madaxweyne:

Tacsi Madaxweyne: 09/04/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Faadumo Aw Cali Good oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 09/04/2019, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi, Ilma Xaashi Xuseen Xasan oo ay hooyadood ahayd Marxuumadu iyo dhammaan reer Aw Cali Good.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumadaasi ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ubadka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Advertisement

Ku Xayeysiiso