Gabayga magaciisu waa: LAGU-MUQUUNEE Curiye: Omar A. Abdi

Gabaygan Lagu maquunee, wuxuu si qotodheer

Ula garnaqsanayaa xukuumada S/land isagoo ku

Hadlaaya afka inta aan codka lahayn ee dulman.

Waxaanu tilmaamayaa qaar ka mid dhaliilaha jira

badan iyo sida qaybinta umadii isku isku noolka

iyo wada noolka ahayd loo qaybshay iyo sida aan

loogu sinayn xaquuqaha mid cadaaladeed, mid shaqo

iyo mid dhaqaale toona.

 

 

Curiye: Omar A. Abdi

Epost:omar.a.abdi@gmail.com

Gabayga magaciisu waa: LAGU-MUQUUNEE

Taariikh: 08.04.2019

 

 

Mihnad  gabay ragbaa macaliin miigan ku ahaaye

Dhaaxay tix miisaan leh culus idinku miiseene

Dhaaxay mulaax iyo tirsheen maanso nabadeede

Mowluhu godkii hawga dhigo hoy munaasiba’e

Haday moosaskii nool yihiin uma muraadeen

Maqaarkay uma dhaansadeen maalingaal socode

Maantana midaan tirinayaa wayska may tidhiye

 

Indha melekle aarkiyo badaa meyl u kala goosha

Marinkooda lama joogsadiyo muqabil-koodiiye

Sunaamiga makala iyo sidii mowjadaha seexsha

shacab baan markii ay kacaan maare celineyne

Jeel lagu maqiiqiyo askeri kama macaashaane

waa mowjadaan aan laga hortegin cidina maareyne

Micnahooda ruux garanayaa waw miyiriyaaye

 

Isha midhigle eegmada maldahan shaarubaha miiqan

Dibnahaa mishiiqsiga war yari hadal ka maagaaya

Dhegta maqal u taagani waxay maagantaa jira’e

Shacab maagey maareyn xalkii waa malkada dhaafe

 

Masuul dhaba milgaha dowladnimo Jacinda mudane

Waataa mushkuladdii cunsuri geystay maamuli’e

Shacabkuna mid qudha buu uyee maaha reer hebel

Macbuudkeen hawada map ku qore magac illaahaay

Ny Zealand Mahad baan u diri waana mudan yiine

 

Afartaa ma hiigaan curtiyo maayadaha xiin dhe

Miiraale hooriyo gudgude mooshinkii qaran dhe

Xadhig maran xaq iyo been murmiyo xaajo kala-maan dhe

Dood duu xaqluu soo marsaday run iyo miisaan dhe

 

Runbaa lagu murmaa beena waa laga mashiiqdaaye

Dadkan uu masuulkii dayacay ee dhib u maleegaayo

Madaxweyne iyo xaakin iyo madaxda dowloo dhan

Maareeyayaal iyo intii magac wasiir sheegta

Inta ay mulkiilaha yihiin magac ku ceeshaaya
Ee ay maxkamaduu yihiin mobil prepaid ah
Ee maahirtay wada lahayd keli nin maalaayo

Malaayiina qaar lagu xukumi marag la’aan eedba

Alleylee masiir gobanimaa mowqifkeed lumaye

 

Dib baa loo mirtaa xaajadaan maanku taabicine

Wax garaadka lagu mayracaa maalmihii tegaye

Maantiyo wixii shalay dhacaa laga minguurshaaye

Mulkiilaha yaqaan baa baryahay magan la tuugaaye

Marka aad maluugaha heshaa talo la maalaaye

Markaasaa wixii maanku tebi tacab la muujaaye

 

Dhalaankaa la maaweeliyaa maalin geediga’e
Maandhow ka soo carar dhurwaa lagu mashaysiiye

Guudkaabay naga maamulaan qaar muraad lihi

Ishi maalintaad tidhi xornimo dumise mooskiiye

Muran kamaydin celin doodihii miis la soo dhigaye

Inaad maamul goboleed tihiin may kamay odhane

Madaxaabad laalaadisay iyo Muuse luquntiiye

Malkadii berbera qaar ayaa deyr ku meersadaye

Hawadiina meeshay martaan muran ka taagneyne

Waa maangad qarankii mudnaa meesha kaba saare

Xadhig maran xaq iyo been murmiyo xaajo kala-maan dhe

Dood duu xaqluu soo marsaday run iyo miisaan dhe

 

Hadal laba mino leh beena waa lagu mesaalaaye

Maroodaan afkaa gelinayaa Layna marin mayo

Sadexdii Millennium https://no.wikipedia.org/wiki/Millennium qarnaa maanta kowsadaye

Ma qarsoomo shaynaba casrigan meedhiyuu jiro’e

Mar na tidhi malaayiin horaa deyn u maqan maalka

Marna tidhi malkadu waa kiroo jeer hadana maaha

Afartaa ma hiigaan curtiyo maayadaha xiin dhe

Miiraale hooriyo gudgude mooshinkii qaran dhe

 

Laba madaxle boqorow nin yidhi meel mugdiya leylka

Isma odhan warkaagii la maqal male’se beenoowye

Maatadatan maalkeed la dhacay maamo iyo caydi

Inta ay mataanaha jebsheen odayo maan gaabi

Oo ay marqaa uga fureen kurayo maacuuna

Ayay hadal macnoba aan lahayn idin mashaysiine

Xadhig maran xaq iyo been murmiyo xaajo kala-maan dhe

Dood duu xaqluu soo marsaday run iyo miisaan dhe

 

Muraayado cagaaraad indhaa saartay madaxiiye

Waa meel saxaare ah halkaad mooday doog baxaye

Mashruucyaan ka wada beerayaa aradka maansheeya

Waa mala’awaal beena iyo marin habowsiine

Dar baan maal aduunyaba lahayn cidina maareyne

Macaluulna qaarbaan dheryaha saarin meel dabahe

Intii mudan biyuhu waa waxaan cidi ka maarmayne

Oon baaba loo madhanaya oo meyd dad baan dhaqane

Dood duu xaqluu soo marsaday run iyo miisaan dhe

 

Jalfis marinka lama teediyiyo miino qaatilahe

Maamuuska  dowliyo haduu lumo mar miisaanka

Oo aan xeerar lagu maamuleyn  qoysna lagu maalo

Marso iyo intaan loo sinayn dow la maro meel ah

Muquunana rag baa loo bixshiyo ruux muwaadina’e

Miisaana qaar baa la sudhay muhasho diinaare

Xadhig maran xaq iyo been murmiyo xaajo kala-maan dhe

Dood duu xaqluu soo marsaday run iyo miisaan dhe

 

Mudanow ninkaa Geele Arab moodkii laga qaaday

Isba waa ka maqan yahay aduun boqol maalaayiine

Inuu sida muwaashiga nin qool maran u soo soohdo

Oo aan maxaa dhacay la odhan maanku gadan waaye

 

Runbaa lagu murmaa beena waa laga mashiiqdaaye

Dhawr haloo jawaab mudan hadaan mar idin weydiiyo

Markii uu Abwaan muhindisee tiriyo maansooyin

Ee uu wixii muuqda iyo taabto milil hoose

Ama Macalin uu danaha guud deris ku miisaamo

Ee door muwaadini wax jira uu dadka u muujo

Isagaan dil iyo maagis iyo geysan dakhar muuqda

Oo aan maal dadweynaha ka dhacin sida masuuliinta

Wax maxkamadi jeel ugu dirtaa aan denbna muuqan

Jawaab mudan ayuu shacab rabaa aan mugdi lahayne

 

Dadku marag ma doon waa ogyiin maakhadaa jira’e

Bal macnee adaa alif wax liyo muu lahay yidhiye

Dir ma nihin adaa maalin hore muusanow dhigaye

Oo yidhi suldaan Maxamed xidha meel ayuu tegaye

Misna waanu nahay loo hadeer xoojin murankeede

Maantiyo hadmaad waalantiin shalayto maandhooyin!

 

Mulki qaran xaqsoor baa mudan maamul dowli ahe

Qandaraasyo leylkii mugdiga meelo lagu qaybsho

Aan marin dariiqay mudnayd maalin la arkaayo

Musuq-maasuq eex inaad hantida cid ugu miisaanto

Darna aanay miis shuba ka helin weliba aad maagto

Iyadana jawaab mudan ka bixi beeni waa madhaxe

 

Hadal aan run lagu miisanayn malaha miisaane

Wixii uurka kaa miranayaa ficilku muujaaye

Madaxtooyo aan loo sinayn maamul iyo dowlo

Militaari la qaybshoo qabiil lagu maleelaayo

Amnigoo midkii dhowrilaa mirayo leyl reero

Mudan iyo mageyniyo dhalaan kama mildhaawaane

 

Muusow ilbaad soo marmaran aan wax kaa mudine

Qorax maalin duhur joogta baad meedey leedahaye

Mugaabada cankoo muuqda baad moogi leedahaye

Wax hortaa ka muuqdaad natidhi maandhaw maan magale

 

Ujeedada maldahan waayo badan miiqde xeegmilada’e

Soco midho waxaad muhindisaan miiran shacabkiiye

Hadduun baa muraadkiin dhabiyo maarti loo dhacay

Xadhig maran xaq iyo been murmiyo xaajo kala-maan dhe

Dood duu xaqluu soo marsaday run iyo miisaan dhe

 

Laf murkacatay baa lagu kabaa maydhax iyo geede

Iimaanka oo miiqmay baan maaro loo heline

Inta madax nin sheegtaa arlada milil abuuraayo

Ee aan macbuud laga baqayn waa mushkulad weyne

Dar masaajidkii soo dunshiyo mowlacyada Eebe

Quraan bay dadkow marinayaan diidyey maqalkiiye

 

Warkoo mid ah runtaan muran lahayn talo muhiimkeeda

Haddii uu qabiil kugu mudoo doqon ku meelaysto

Oo aydaan dantiina u mid noqon lagu muquunee.

 

………..Wa bilaahi tawfiiq………..

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso