CAQLIGAAGII WELI MA QAFILAN YAHAY ?

CAQLIGAAGII WELI MA QAFILAN YAHAY ?

Siyaasiyiinta iyo aqoon yahaniinta somaliland waxa iskaga khaldan , oo aanay kala garanayn , WAXAY TAHAY ARAGTIDA ( RA YIGA) KALA DUWAN iyo aflagaadada -cayda – qofka sakhsiyadiisa wax ka sheeg .
sababta ugu wacana ay tahay inaga (somaliland) oo muddo dheer uu dalka ka talin jiray ,keligii taliye diktaatoor ah oo qori caaradii dalka ku qabsaday ,kuna haystay ,oo aanay jirin wax layidhaahdo xoriyatul qool , oo aanu ogolayn wax la yidhaahdo aragti ama ra yi kiisa ka duwani inuu jiro.
diktaatoorkii siyad bare wuxuu dalka ku xidhay qafas bir ah ,oo cabsi badan ,iyo caga juglayn -hanjabaad ah ,car hadal ama nifis aan kaa maqlo .
waxay gaadhay haddii qof hees tiriyo ama gabay ,in xabsiyada lagu rido ,amaba la dilo .
hadaba dhaqankii caynkaa ahaa ,ayaynu ka dhaxalnay ,kuna dhaqanaa ,haddaynu is ognahay ,oo u badheedhaynu ,iyo haddii aynaan isu warhayn ba .
bal waxaad u fiirsataa , marka uu hadlaayo xisbiga talada hayaa ,ee uu la hadlaayo xisbiyada mucaaradka ah , ama uu arin ka hadlaayoba … waxa uu ugu hanjabaa ,inuu xidhi doono ,ama talaabo ka qaadi doono , haddii aanay joojin aragtidooda ta xisbil xaakimka ka duwan…. xisbiyada mucaaradka ahina ma dhaamaan ,oo iyana waxay abuuraan ,sawaxan -qaylo-khilaaf siyaasadeed iyo hanjabaad ,haddii sidaa la yeeli waayo ,waxaa dhici doona ,nabad gelyo la ann dagaal -iyo waa laqaxi doonaa ,haddii aan tayda la yeelin .
hadaba labada dhinac midna garan maayo ,inay isku ixtiraamaan ,labada aragti (ra yi) ee kala duwan .
labadooda midna weli garan maayo ,inaanay xaq u lahayn inay colaad bulshada ka dhex abuuraan , oo amaanka dalka iyo shacabkiisaba xasilooni dooda isugu hanjabaan .
hadaba inaga (somaliland) oo muddo 10 sano ah haysanay dimuqraadiyad iyo xoriyatul qool ba ,ayaynaan garanayn , haddii qof soo jeediyo aragti (ra yi) ama fikrad in aragti ama fikir caafimaad qaba ugu jawaabno .
waxaynu u baahanahay inaynu dib u xisaab tano ,oo isugu noqono,oo aynu barano , inaynu is dhagaysano ,oo afkaarteena u soo jeedino ,si ay akhlaaq iyo anshax leh .
maaha inaynu shakhsiyadda qofka kale cayni oo aflagaadayno, oo burush wisakha marino .
maaha inaynu jiritaanka qofka inaga aragti (ra yi ) duwan ..,doono inuu dhinto ama lawaayo .. ama isku daynoba inaynu dilno .
maahana inaynu qof kasta oo inaga aragti (ra yi ) ama fikir duwan ,aynu u jawaabno .. oo aynu is nidhaahno adiga (idinka ) ayuu kuu jeedaaye iska celi …
waa inaynu caqliga kaashanaa , oo aragtiha iyo afkaarta wanaagsan ee caafimaadka qabta taageernaa ,, xataa haddii ay ka timaado ,cid aad iska soo horjeedaan .
hadaba waa inaynu isku daynaa ,oo isbedelnaa ,oo ka shaqaynaa , sidii aynu u aqbali lahayn ,iskuna ixtiraami lahayn ,aragtiyada kala duwan .
waa inaynu iska ilaalinaa ,inaynaan karaamada qofka ka qaadin ,mid muxaafid ah ama mid mucaarada ,kii uu doono ha noqdee .
waxaad ogaataana umadda aan garanayn inay isku ixtiraamaan aragtiyada (ra yiga ) kala duwan , inay yihiin qaar qafas isku soo ooday , oo aan horumar weligoodna gaadhayn … caqligooduna weligii wuu qafil naanayaa ….
WABILAAHI ALTAWFIIQ
CALI MAXAMED BIIXI caliweli

Advertisement

Ku Xayeysiiso