Xamaaas oo sheegtay in heshiis khuseeya Gaza ay la gaadheen Israa’iil


Wargeys ku xidhan kooxda Xamaas ayaa ku waramay in heshiis ku saabsan sidii loo yareyn lahaa xiisadda ka jirta marinka Gaza ay la gaadheen maamulka Israa’iil.

Hadaladaan ayaa imaanaya iyadoo dadka reer Falastiin ay u diyaar-garoobayaan in ay xusaan sanad-guuro ka soo wareegatay bannaanbaxyo ashtako ah oo la qabto todobaad kasta, kaas oo ka dhaca xad-beenaadka Gaza ee ay heystaan Israa’iiil.

Sarkaal u hadlay Xamaas ayaa sheegay in qeybaha dagaalyahanada Falastiin ay go’aansadeen in la joojiyo rabshadaha ka jira dhulka ku teetsan Gaza ee ay joogaan ciidamada Israa’iil.

Saraakiil ka socota dalka Masar ayaa la sheegay in ay qaban qaabiyeen wadahadalada lagu joojinaayo xiisadda u dhexeysa dhinacyadaasi, inkastoo maamulka Israaa’iil illaa hadda aysan ka hadal heshiiska ay soo wariyeen Xamaas.

Ilaa 260-ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa dhimatay,dhowr kun  oo kalana weey dhaawacmeed tan iyo markii ay dib u soo cusboonaadeen dibdbaxyada ashtakada ah ee ay wadaan dadka reer Falastiin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso