Dimuqraadiyadii Somaliland Jihadee ayey u socotaa? Mar hadii 3-dii gole maandheytkoodii dhamaaday Doorashooyinkiina aanay qabsoomeyn sanadkan. qalinkii A/rahman fidhinle UK

Dimuqraadiyadii dawladnimada JSL way saqiirtay oo way liinbaxady mar hadii 3-dii gole ee kala ahaa Golaha Baarlamaanka, Golaha Guurtida iyo Golaha Degaanku ay sadexdooduba waqtigii la doortay iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan. Marxaladan aynu ku jirnaa waa marxalad aad xasaasi u ah taa soo uu maraayo geeddigeennii dimuqraadiyadeed ee ummadeed ee aynu naf-hurka la yaabka leh u soo samaynay. Boowe ! Hadii goleyaasha xeerdejintu ay noqdaan Goleyaal ku fadhiya mudo kordhin go’aanada masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ?  Xeerarka iyo Xeegaanada ay curiyaan side loo aaminayaa ?

Golihii Guurtidu iyana waxay noqdeen dhaxaltooyo, markaa  bal kuraas dhaxaltooyo ah iyo Dimuqraadiyada aynu sheeganaynaa sidey isu qabanayaan ?? Cajiib !!

Talow goorma ayaa la dejinayaa reerkan  daalay ee raranka saaran ee raadkiisii dib u sii raacaya ee Somalilaan?  Jihadee ay Somaalilaan maanta u socotaa ?  Jawaabtu waxay noqonaysaa JUG -JUG oo meeshaada joog. Bal ka warama – Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005 si ay 5 sanadood oo keliya kuraasta ugu fadhiyaan waxaana ay mudo dhaafeen 8 sanadood iyo badh.Golaha Guurtida Soomalilaan waxaa la doortay1997 si ay kuraasta ugu fadhiyaan  6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 21 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu iska noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Nofember 2012 in ay kuraasta ku fadhiyaan  5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 2 sandood oo wax yar dhiman.

Somalilaan waxay soo jirtay 28 sanadood. Mudadaana  waxaa ku qabsoomay in ka badan saddex doorasho madaxweyne, laba gole deegaan iyo mid baarlamaan oo dhamaantood ku qabsoomay si dimuqraadi udhaw marka la barbar dhigo dalalka jaarka aynu nahay sida Kenya. doorashooyinkaasi waxay Somalilaan u soo jiideen sumcad iyo maamuus uu caalamku ku majeertay  inay Somalilaan tahay dal dimuqraadi ah oo soo koraaya. Sideedaba Doorashooyinku ama doorashadu  waa xuquuq aasaasi ah, caalamka oo dhana doorashooyinka mudooyinka loo cayimay ayaa lagu qabtaa, si xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka loo ilaaliyo, waayo muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la doorto isna wax doorto markaa waa in  la ilaaliyaa xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka wax dooranaaya ama la dooranaayo.

 Saadaasha tabani waxay u muuqataa maanta in doorashooyinku mar kale dib u dhacayaan oo Goleyaasha mudo kale loo sii kordhinaayo taas oo dhiig bax ku noqonaysa Dimuqraadiyada curdinka ee Somalilaan higsanayso. Hadii Doorashooyinka Somalilaan ay sanadkan 13/12/ 2019 dib uga dhacaan Sumacadii Somalilaan god madow ayey ku shalwan doontaa caalamkuma dhaqaalihii uu doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta ku bixin jiray wuu la noqon doonaa. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen ay tahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheer ay curin waayeen golaha baarlamaanku, waa in madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oo geesinimo iyo go’aan adag ka qaataa si doorashadu ugu qabsoonto mudadii loo cayimay oo ah dhamaadka sanadkan 2019.

Guntii iyo Gebagebo – Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay marna Doorasho ku dhacayn  13-ka maalmood ee u dhaxeeya muddada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah 29/11/2019 iyo mudada loo asteeyey in Doorashadu qabsoonto oo ah 13/12/2019 Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada laga rabaa in ay iswaafajiso Siyaasada casriga ah iyo dhaqanka Somalilaan oo doorashada waqtigeeda ku qabato. Waa in xukuumadu  xalisaa xurgufta siyaasadeed ee maanta taagan, taana waxaa u fududeynaaya iyada oo Dastuurka furta si wixii xeerar iyo xeegaano qabyo ah kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo oo loo kobciyo loona koolkooliyo qaangaadhnimada Dimuqraadiyada curdinka ah ee  Somalilaan.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso