Diiraasad muhiim ah: Umadaha ka soo jeeda asal ahaan ciriqa (race) loo yaqaan ‘ Somalid ’ oo ku suntan maskax aad u saraysa W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh

Diiraasad muhiim ah: Umadaha ka soo jeeda asal ahaan ciriqa (race) loo yaqaan ‘ Somalid ’ oo ku suntan maskax aad u saraysa
W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh
Culumada ku takhasustay asalka dadka ‘geneticists’ ayaa waxay dadka adduunka ku nool u qaybiyeen ilaa 6 nooc oo muhiim ama ciriq ( race) ah oo kala ah: Europid, Arabid, Negroid, Mongoloid , Australoid iyo Somalid. Qaarkale ayaa ka sii farcama sida Caucasoid oo kale, laakiin waa inta ugu muhiimsan.
‘Somalid’ waa maxay, maxaase soo geliyey 6 nooc ee ugu muhiimsan adduunka?
6 Ciriq ee muhiimka ah waxay ka turjumayaan dhiigga Bani Aadanka (DNA) ee loo yaqaanno ‘ Haplogroups ’.
Dadka Soomaaliyeed waxaa dhiigoodu galaa : Haplogroup e1b1b (e3b ayaa hore loo odhan jiray), wuxuu ka mid yahay ayay culumada dhiigga baadhaa tidhaahda , dhiigga fara ku tiriska ah adduunka ee hidda raaciisu (inheritance) aan is bedelin ee ilaa Nebi Aadan asal ahaan soo taxnaa. Wuxuuna leeyahay dhawr magac oo kale sida:
Y-Chromosome, Y-Chromosomal Adam iyo E-M215.
Sideedaba qofka Bani Aadanka ah DNA eegisu ama dhiiggiisu wuxuu ka koobanyahay 46 Chromosome , ‘ 23 Y ’ oo uu aabaha ka qaatay iyo ‘ 23 X ’ oo uu hooyada ka qaatay. Laakiin hidda raaca qofku dhinac ayuu u badnaan karaa ama aabaha ama hooyada ama si isle’eg ayuu u hidda raaci karaa.
Wuxuu cajiib ku dhigay DNA ga loo yaqaan Haplogroup E1b1b ee Soomaalidu badankeedu ka koobantahay in hidda raaciisu aabaha qudha yahya ‘ (Y-Chromosome) , aan hooyadu shaqo ku lahayn, hadda waa hidda raaca ee qofkii weli wuu sitaa qaybtii hooyada. Wuxuuna tilmaamayaa asal soo jiray kumanyaal sano oo aan is bedelin. Qofbaa odhan kara oo waxaannu u haysanney dhiigga Soomaalidu inuuna xoog badnayn waayo ninka Soomaliyeed haddu gabadh aan Soomali ahayn guursado ilmuhu hooyada ayuu u midab ekaadaa sida qaalibka ah oo aabaha shuqul kuma lahaado muuqaalkiisu! Waxaa is bedelay midabkii ama waxa loo yaqaanno ‘ phenotype’ , laakiin dhiiggiisu ama DNA giisu waa ‘Somalid’ ama Haplogroup E1b1b. Waxaa iyana la dhiig ah Soomaalida oo ay aad isugu dhowyihiin inkastoo Soomaalidu kaga badantahay dhiigga E-M215 dadka Tutsiga (Tutsi) reer Rwanda iyo Canfarta iyo Tigrayga Eritrea degta, waa sida diraasaad badani tilmaamayaan. Waxaa iyana la tilmaamaa reer Masar tii hore ‘Ancient Egyptians’ ama Faraacinadii in badankoodu ay Soomaalida isku dhiig ahaayeen, markii DNA dooda la baadhay.
Soomaalida qudha lama yidhaahdo ‘ Somalid’ ee umada badan oo adduunka ku nool ayaa ka soo jeedda sida dadka Waqooyiga Afrika ‘ North Africa’ dega ee Berber loo yaqaan oo ilaa 80% ka soo jeeda iyo dadka Giriigga ‘ Greek’ oo 28% ‘Somalid’ ah iyo Albaaniyanka ‘ Albanians’ oo intaas in u dhow ay tahay ‘ Somalid’ iyo umada badan oo aan halkan lagu soo koobi karin laakiin tira ka yar ah oo aduunka ku kala fidsan. Soomaalida mooyaane dadka dhiigga ‘ Somalid’ ku suntan waxaa loo yaqaan DNA gooda Haplogroup E1b1b1 ama E-M35 oo ah mid ka farcamay ‘ Subclade’, ka Soomaalidu asal ahaan ka soo jeeddo ee loo yaqaan Haplogroup E1b1b , 5 ilaa 6 kun oo sano kadib. Sidaas la ajigeed ayaa loogu bixiyey ‘ Somalid’ madaama asalkiisu Soomaali u badantahay.
Waxaad arki kartaa qof ‘ Greek’ ah oo ku faanaya inuu DNA giisu yahay ‘ Somalid’ isagoo weliba farac ah. Waxaa lagu yaqaan dadka dhiiggaas leh maskax heer sare ah, iyadoo dadbadan oo caan ah, adduunkana saameyn weyn ku lahaa ka soo jeedaan ‘ Somalid’ ama Haplogroup E1b1b guud ahaan. Waxaa ka mid ah: Albert Einstein ( Ninkii qunbula duriyaha sameeyey), Wright Brothers’ nimankii diyaaradda ikhtiraacay’ , Hitler ( ninkii adduunka waalay)’ Lyndon Johnson ( Madaxweynihii hore ee Maraykanka) , David Attenborough (ninka leh barnaamijyada caanka ah ee BBCdu soo dayso) iyo kuwa kale oo badan.
Waxaa la arkay dad badan oo dhiiggooda la baadhay oo fajaciso ku dhacday kadib markii loo sheegay in boqolkiiba intaas dhiiggoodu yahay Soomaali isagaan shaqo ku lahayn Soomaali. Waxa laga yaabaa in la yidhaahdo qof kale dhiiggaagu boqolkiiba intaas ayuu yahay Bariga Dhexe ama Waqooyiga Afrika, la odhan maayo Ciraaqi ama Masri ama Maqribi (Morocco) ayaad tahay. Dhiigga Soomaalidu waa wax gaar ah oo goonni u taagan ‘ unique’.
Waxaa xusid mudan sanadkii 2005 diraasad soo baxday in adduunku la yaabay kadib markii dawladaha Denmark iyo Spain isugu tageen cilmi baadhis lagu sameeyey 201 oo qof oo Soomaali ah oo deggan waddanka Denmark lana ogaaday Soomaaliga labka ah (male) inuu yahay qofka adduunka ugu badan ee sita DNA ga Haplogroup e1b1b , kadibna waxaa soo baxday magac bixinta ‘ Somalid’. Waxaa diraasaddaas lagu soo shaaciyey jariidada cilmi baadhista ee caanka ah ee la yidhaahdo ‘ Nature’.
Halkan ka eega diirasaddaas: https://www.researchgate.net/publication/7978660_High_frequencies_of_Y_chromosome_lineages_characterized_by_E3b1_DYS19-11_DYS392-12_in_Somali_males
Waxaad kaloo baadhi kartaan diiraasaad uu sameeyey nin la yidhaahdo Razib Khan oo ku takhasusay asalka dadka (genetics) oo Soomaalida aad wax ugu qoray.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa dadka dhiigga‘ Somalid’ ka soo jeedaa cidla iskama fadhiyaan ama waxbay dumiyaan ama waxbay dhisaan. Taariikhdana waxbaa looga soo joogay.
Haddaan wax qabad lagu mashquulin oo ay si yar uga midha dhalin karaa iyagaa is duminaya. Waxaa tusaale inoogaga filan Tutsiga reer Rwanda dagaaladii markii ay iska daayeen oo waxqabad u dhaqaaqeen waxay noqdeen dawladda Afrika ugu horaysa waqti yar, waa ‘ Somalid’ wax qabad u dhaqaaqay. Waxaa iyana jirtey in Soomaalidu laba kaclaysay waqti yar, kadibna si yar ay u dumiysay wixii ay dhisatay. Iyagoo ka duulaya dhiiggooda cajiibka ah ee adduunkuba ku murmayo inuu ka soo jeedo, waxay si yar u gaadhi kartaa Soomaalidu nolol heer sare ah haddii ay iska jeestaan oo dhulkooda iyo wax qabad ku jeestaan.
FG: Qoraalkan waxaan ku soo koobay xogo aan hayayey oo badhitaan muddo ku samaynayey, meelna sidiisa ugama soo naqilin, sidaas la ajigeed ayaan ka cudur daaranayaa inuuna lahayn wax soo xigasho ah ‘ references’ mar haddaan sidii maqaal kooban u soo bandhigay ahaynna cilmi baadhis qoto dheer ‘research’. Waxaanna diyaar u ahay wixii saxitaan ah weliba dadka u dhuun daloola mawduuca asalka dadka ‘genetics’ ama ku takhusasay.
Wabillaahi tawfiiq
Maxamuud Ismaaciil Barreh
UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso