Ab-tirsataye ayaad tahay?

Soomaalidu waa qomiyad balaadhan oo degta geeska afrika,waa qoomiyada ugu deegaanka weyn qoomiyada afrikaanka ah, waxay deegaan ahaan ku fidsanyihiin bariga-afrika sidoo kale intii ka danbaysay dagaaladii ka bilowday kun iyo sagaal boqol iyo sideetamaadkii wadankii laysku odhan jirtay Soomaaliya waxay ku baaheen dunida dacaladeeda,taas oo hada aanay jirin dalalka aduunka ugu weyn ama magaca leh ee qaaradaha Kala duwan kuyaala mid aanay soomaali degeneyn haday tahay yurub, ameerika ,aasiya,ustareeliya iyo afrikada Ka durugsan deegaamada soomaalidaba.

Soomaalidu waa qomiyad leh AF iyo dhaqan ayka simanyihiin oo af-soomaali iyo dhaqan soomaali loo yaqaan,siddoo kale Soomaalidu waxa ay isku gartaan Qabiilooyin ay ukala baxaan taas oo ay isku tooyadaan iskuna tolaystaan abtirsiin ay Oday ugu arooraan oo u Ab-tirsadaan, hase yeeshee waxa aan jirin meel ama Oday kulmiya oo ay soomaalidu kusoo wada arooraan ,waxa dhacda in qabiilada waaweyn ee soomaalida midiba meel Ku arooro haw badnaadaan sheekhakh carbeede hadana waxa layaableh in aanay jirin qabiiladaa qabiil leh carab-baanu nahay oo ku faanaaya kana faanaaya soomaalinimada waa cajiib!.

Hadaba Qoomiyada Soomaalida ah 3 arimood ayaa kusoo kordhay ,

1, in qabiiladii sii sarifmeen oo sii Kala fircameen siina Kala fogaanayaan oo sida xaal u muuqdo MaR hadii qabiilkii meel sare oo uu ku dhamaado lahayn meel hoosana ku dhamaan maayo oo waa laf,jilib,jifo,qoys iyo bah oo xaalku intuu Oday joogo waa sahal e kol haduu bah iyo islaan gaadho waa halis waayo ba’ hebla iyo ba’haha xinfiltankoodu Ka daran qabiilo iskusoo baxay waayo laba walaalo ahbaa gondaha is daraaya!,

2,in Soomaalidii Ka hayaantay deegaankeedii oo ay dunida xushay iyaga oo xanbaarsan qabyaaladii ,waxaana dhici doonta in qurbaha jiilaalka Ku dhashay ee Ku dhaqmay ay aakhirka asal doorsami doonaan waayo koox kooxaysi qabiil Ku dhisan ayaa qoomiyadnimadii muquurinaaya.

3,in deegaamadii Soomaalidu isbadeley oo xeyndaab xuduud caalami ah lagu wareejiyey oo dalal laga dhigay magacyo cusub leh dadkii degenaana Ku abtirsada layidhi oo soomaalinimada meeshaba laga saaray, sidda Jabuutiyan,itoobiyan iyo kiiniyaati,

Oo waxa dhacaysa in hadii nin qoomiyada amxaarada ama qoomiyadaha kale ee itoobiya dega aad is af-dhaaftaan uu yaa itoobiyaanay yidhaahdo in mid qoomiyada Soomaalida ahi uu tantoobo Kula soo tiigsado!,kiiniya iyo jabuutina sidoo kale,100 Sano dabadeed hadaad soomaali baad tihiin ku tidhaahdo dagaal filo.

Hadaba waxa xal ah ee in uun qoomiyad-nimada Soomaalinimo lagu badbaadin karaa in uun kol hadii soomaali Qabyaaladii iska dayn weydey siduu illaahay yidhina u isticmaali weydey waxaan soo jeedin lahaa bal Abtirsiinta aad ubadka baraysaan SOOMAALI ugu danbaysiiya oo fara ubadkiina in qabiilada Soomaalidu Soomaal SOOMAALI kuwada dhamaadaan kuna wada arooraan oo Soomaalidu qoomiyad Oday SOOMAALI la odhan jirtay kasoo wada jeedaan,

Fadlan Abtirsiintiina SOOMAALI kuwada arooriya.

Anigu Fuad Fartaag Faratol Bade ……………..sheekh isaxaaq aw SOOMAALI reer Shan-U-Roone-Soomaal Afrikaani Qaabiil Aadan Ciid lagasamee abuur illaahay. <(Reer Shan-u-Roone = reer Somaliland). Bal hadaba ab-tirsataye ayaad tahay anigu SOOMAALI dalkayguna Somaliland. Fuad Fartaag fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso