Muxuu Xoghayaha Fulintu Ka Yidhi Mashruuca JPLG-ga Ee Horumarinta & Magaalaynta Laascaanood

Muxuu Xoghayaha Fulintu Ka Yidhi Mashruuca JPLG-ga Ee Horumarinta & Magaalaynta Laascaanood

 

Laascaanood (togaherer)-Kulan lagu qorshaynayo qaabka horumarineed ee degmada Laascaanood ayaa lagu qabtay xarunta dawlada hoose ee Laascaanood xarunta gobolka Sool.
Mashruucan oo ay xukuumaddu hore uga fulin jirtay lix magaalo oo dalka ka tirsan kuwaas oo aanay magaallada Laascaanood KU jirin ayaa sanadkan Lagu soo daray intii uu xilka Xoghayaha fulinta hayay xoghaye Cabdiraxmaan Khadar Maxamuud.

Waxaana Mashruucan oo haatan ay wasaaradda arrimaha guduhu maamusho loogu magac daray horumarinta degmooyinka iyo gobolada, magaalada Laascaanood ayaana noqotay sababta halkii ugu horaysey looga dhigayaa dhigay.

Gudoomiyaha degmada Cabdicasiis Xuseen ayaa ka warbixiyey faa’iidada mashruucan u leeyahay degmada, waxaanu sheegay in qaadhaankii Machadka kaga soo aadey ay bixiyeen baahina ay u qabaan kobcinta aqoonta shaqaalaha, waxaana uu degmooyinka kale ugu baaqay in ay qaadhaanka bixiyaan.

Cabdiraxmaan Khadar Maxamuud xoghayaha dawlada hoose ayaa isagu KU guulaystay inuu Mashruucan magaallada Laascaanood u Soo jiido oo kulankii Lagu gardaadinayay ka hadlay ayaa halkaasi ku soo bandhigay baahiya dhabta ah ee ka jira magaalada Laascaanood iyo qalabka ay haystaan.

Mashruucan oo in badan la sugayey ayaa la saadaalinayaa in uu wax weyn ka bedelo muuqaalka iyo horumarka degmada Laascaanood, waxaana uu ku soo beegmay xilli uu gebogebo KU dhaw yahay muddo xileedka goleyaasha deegaanka dalku, kuwaas oo KU eg 29ka bishan Aynu KU jirno, taasoo saamayn KU yeelanaysa xoghayeyaasha dawladaha Hoose oo haddii ay goleyaashu mesha ka baxaan dhabarka u ridanaya masuuliyadii dawladaha hoose. Si kale haddii loo dhiganaya ay dadka u dhuun daloola sharuucda ismaamulk gobolada iyo degmooyinku tilmaamayaan in xogaheyaasha Fulintu ay kumeel gaadh ula wareegayaan xilka maayarrada inta doorasho dalka ka dhacayso.

Geesta ale Mashruucan sidoo kalena waxaWaxaana y xubno golaha degaanaka ka.mid ah ay u xusul duubayaan sidii xilka looga tuuri lahaa maayirka hogaanka u ah oo waxqabad la’aan ay calaamad uga dhigeen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso