Ciidamada Israeli oo 3-Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed


Wasiirka Caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil habeenmadii xalay ay daanta Galbeed ku dileen 3-ruux,ka dib kolkii weeraro gaadmo ah oo kala duwan ay ka fuliyeen halkaasi.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah Omar Abu Leila, oo 19 -sano jir ah kaas oo looga shakisan yahay in laba cisho ka hor uu fal toogasho iyo  middi ah ku fuliyay Askari Yuhuud ah oo joogay  Daanta Galbeed.

Raed Hamdan,oo  21-­sano jir ah iyo Zaid Nouri oo  20-sano jir ah ayaa iyaguna ku dhintay deegaanka Ramallah,ka dib markii ciidamada Israa’iil ay rasaas huwiyeen gaari Aambalaas ah oo ay la socdeen sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay Bisha Cas oo lagu magacaabo Ahmad Jibril,

War ay soo saareen Israa’iil ayey ku sheegeen in gaarigaasi uu siday walxaha qarxa isla markaana uu ku soo dhawaaday koox wadaado Yuhuud ah oo booqanaayey goobaha ay ku cibaadeystaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso