In kabadan 70 qof oo ku dhintay Daadad iyo dhul go’ ka dhacay Indonesia

Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhintay in ka badan 60 kalena waa lagu la yahay Daadad iyo dhul go’ ka dhacay gobolka bari ee Papua ee dalka Indonesia, sida ay sheegtay  hay’adda musiibooyinka Qaranka ee Dalkaasi.

Roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’ay ayaa sababay fatahaad balaadhan oo Khasaare xoog leh sababtay, waxaana socda dadaallo gurmad ah oo dhibanayaasha lagu caawinayo, inkastoo jidadka oo burburay ay hawlaha gurmadka caqabad ku noqdeen.

Magaalada Sentani oo kali ah ayay ku dhinteen 60-ruux, halkaas oo ka mid ah meelaha sida ba’an daadadku ugu fataheen, sida laga soo xigtay Saraakiisha ciidamada gobolka Papua.

In ka badan 4,000 oo qof ayaa ku qasbanaaday inay guryahooda isaga baxaan, qaarkood ayaana hoy ka dhigtay xafiisyada dowladda.

Hay’adda masiibooyinka dalka Indonesia ayaa sheegtay in ay jiraan dad gaadhaya 60-ruux oo maqan lagana cabsi qabo inay ku jiraan dhibanayaasha daadadka ku waxyeeloobay.

Ku dhawaad Nus milyan ruux ayaa laga saaray guryahooda oo daadadku soo gaadheen, si loo geeyo goobo ammaan ah.

Hay’adaha gurmadku waxay soo saareen digniin ku wajahan dhulka daadadku ku soo aadanyihiin in la baneeyo, si loo yadheeyo Khasaaraha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso