Ahay ah ma Saylac iyo Awdal baa itoobiya lasiiyey?

In kabadan kun sanadood ayey itoobiya Ku taamaysay inay maruun gacanta Ku dhigto magaalo xeebeedka faca weyn ee qadiimiga ah ee taariikhiga ah ee Saylac, taas oo ay isku dayday inay xitaa xoog Ku qabsato se layska caabiyey Oo ay ku le’deen siiba wakhtigii geesigii Axmed-guray ,sidoo kale wakhtigii dowladii Udub ee madaxweyne Daahir Riyaale waxay damacday in ay xeelad Ku soo degto Saylac iyada oo ku andacootay in jabhad argagixiso ah oo lagusoo tabobaray debeda ay kasoo degto Saylac kanasoo hujuunto halkaa sidaa laajigeed ay Ka go’antahay inay degaan halkaa si ay oga hortagaan cadawgaa se nasiib wanaag xukuumadii wakhtigii jirtay ee Udub wey fahantay khildadaa waana tii sutida u qabatay ee ku gacanta saydhay qorshahoodii.

Waxa se maanta ayaan-daro ah in xukuumada kulmiye ee madaxweyne Muuse Biixi u saxeexo oo siiyo Saylac itoobiya si ay xarun ciidamada BADA ah uga yagleeshaan,

Markii kulmiye dekadii qaranka iibiyey oo uu ismariyey dakhligii oo uu garoonkii geeska afrika ugu dheeraa uu bixiyey ee uu ciidamo shisheeye ah uu Barbera soo dejiyey miyuu Ku daray in magaaladii bariga Afrika ugu taariikhda weyneyd ee qadiimiga ahayd ee Saylac in uu xarun ciidamo itoobiyaan Ka dhigo, Saylac waa magaalo qiimo weyn ugu fadhida mujtamaca soomaalida ah iyo guud ahaan caalamka muslinka waayo waxa kuyaala masaajidka qadiimiga ah ee labada qiblo leh kaas oo ah mid mujtamaca muslimiinta iyo soomaalida macne weyn ugu fadhiya se waa ayaan-daro in taariikhdii Somaliland iyo tii islaamkaba qadar lacag ah lasiisto,sidaynu lawada soconay markii uu wariye Cali-seenyo uu damcay in uu filim Ka sameeyo Saylac iyo taariikhdeeda iyo si loo wacyi geliyo dadka si loogu helo kharash si dib loogu dhiso masaajidka qadiimiga ah waa tii xukuumadu iska hortaagtay ee dalkaba laga masaafuriyey waana ayaan-daro.

Hadaba waxa soo ifbaxaaya in itoobiya oo beryahan Ku howlanayd sidii ay ciidamadeedii BADA ee ay Kala dirtay wakhtigii ay eletariya Kala baxeen ay dib u yagleesho iyada oo ay Saylac xarun u noqondoonto una dheertahay in ay itoobiya samaysato wado Awdal dhex marta iyo wado xadiid tareemada ah oo ay ku xidho jidka xadiidka ah ee jabuuti iyo itoobiya wada leeyihiin,waa arin murugo leh waana waxa laga dhiidhiyo burburinta iyo baabiinta taariikhda dalka iyo dalkan laxaraashaayo ee nacabka lasiinaayo weligeedba itoobiya wey Ku taamaysay e Ahay ah ma Saylac iyo Awdal baa itoobiya lasiiyey.

Alihii joogaybaa Jira

Jamhuuriyadana noo badbaadin.

Fuad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso