Xulka Maansada iyo Xuska Abwaanka Abwaan Cabdilaahi Qarshe (IHUN) Wada-hadalada Soomaaliland iyo Soomaaliya

Xulka Maansada  iyo Xuska Abwaanka

Abwaan Cabdilaahi Qarshe (IHUN)

  Wada-hadalada Soomaaliland iyo Soomaaliya

Ma runtii baynu qarxinaa               ma beentaynu isku qooshnaa                                                               Ma qoorkaynu ka idlaynaa             ma qolof baynu sii saarnaa

Riyahaa qaawan baa  idahaa ku qoslee

Ma waxbaynu qalanaa                  mindiyahaa qarsanaa                                                                        Ma qaran baynu ahaanaa              oo qabiilaynu huwanaa                                                                         Ma qayrkeen baynu hiigsanaa      oo talaabaynu dib u qaadnaa                                                                Waa xabaalaha ma qodnaa             qudhunkii ma faqnaa                             Ma runtii baynu qarxinaa             ma beentaynu isku qooshnaa                                                               Ma qoorkaynu ka idlaynaa           ma qolof baynu sii saarnaa

Riyahaa qaawan baa  idahaa ku qoslee                                                               Ma waxbaynu qalanaa                 mindiyahaa qarsanaa                                                                                                                                Ma qudhii baynu jarnaa oo          magtii baynu qaybsanaa                                                                      Ma xeerkii baynu qubnaa            oo qarankaynu bixinaa                                                                                    Waa xabaalaha ma  qodnaa         oo qudhunkii ma faqnaa

Abwaan Cabdilaahi Qarshe (IHUN)

Warfidiyayaasha hawada ka sii libdhaya  tayo ahaan waxaa ka mid ah codbaahiyaha Beenta iyo Baafinta Colaada (BBC),haddaan dibu-habeyn lagu sameyn hab dhaqankiisa iyo tayada shaqaalaha ka shaqeeyaba.Markay idaacadaasi soo gasho eed dib u jaleecdo  xusuusta waayo waayo, ayaa waxaad dareemaysaa in muunad ahaan ay u sii jirto idaacadaasi.Hase yeeshee waxaa mar kaliya ku soo jiidanaya oo dareen xusuus leh kugu beeraya markaad maqasho muusiga ay ku soo gasho idaacadaasi.

Bishii Julaay 18dii, 1957kii ayaa albaabada loo furay.Markaa waxay idaacadaasi laheyd laba barnaamij oo  Afka Soomaaliga ku baxa  oo midba 15 daqiiqo ah oo todobaadle ah. Horaantii September 1958kii ayeyse idaacadu isku badashey maalinle,waqtigiina loo badaley 30 daqiiqo.

 

Barnaamijyo tayo leh iyo shaqaale aqoon u leh xirfadooda warfaafineed waa  waxa laga tabayaa rugaha tiro belay ee warfaafineed.Qalinka aan hakiyo oon u holado,muusigaa ay ku soo gasho Idaacada BBC ayaa lagu magacaabaa socodkii Araweelo.Erayo ahaan hees u jirtay ayey aheyd,hase yeeshee markii la furayey idaacadaa BBC-da laga codsadey Cabdilaahi Qarshe(IHUN) dhawaaq muusigeed oo lagu furo idaacadaa. Abwaan Cabdilaahi Qarshe(IHUN) ayaa erayadii maansadaa aan u gudbin ee uu muusikadaa(codka muusikada) oo kaliya  u gudbiyey, ujeedo fog darteed.

Cabdilaahi Qarshe laguma yaqaan sameynta erayada oo qudha ee wuxuu ku xeel dheeraa laxan sameynta, garaacista kamanka ,iwm. Dadka qaar ayaa si geesinimo ku dheehan tahay ugu dhawaaqa inuu ahaa qofkii ugu horeeyey  tumista Kabankana uguna wanqalay maansooyinkiisa iyo kuwo kaleba.

Cabdilaahi Qarshe  waxay  wada sameyn jireen laxanada  Abwaankii Maxamed Xuseen”Gu roon Jire”- Illaahay ha u naxariisto labadoodaba-.Waxaa runtii labadooda ka dhexeyn jiray tartan caafimaad qaba oo ku salaysan is-maamuusid iyo is-kaalmeysi.

Hase yeeshee  mar la waydiiyey Cabdilaahi Qarshe qofka ugu wanaagsan laxan sameynta ee uu yaqaanay ayuu si kalsooni ku jirto oo deeqsinmo leh u yidhi: “ Qofku Soomaalida ugu laxan sameynta wanaagsanaa waa  Maxamed Siciid “gu’ roon jire”,isku mar baanu bilawnay sameynta laxanada.Wuxuuse sameyn jiray laxan wanaagsan uuna si la yaab leh ugu  tumi jiray Cuudka”. Tani waxay muujinaysaa tartanka wanaagaa ay ku jireen iyo  toosnaanta Cabdilaahi Qarshe.

 

“Markii BBC-da la sameynayey waxaan ka shaqeynayey idaacadii Hargeysa.Markaasaa la igu yidhi cod ay ku furaan u soo samee.Kolay shucuur wadaninimana way igu jirtay ,markaa heestaas oo midho laheyd  ayaan u geeyey codkii.Hadaan heesta midhaheeda sheegi lahaa may qaateen. Sidaa daraadeed ayaan magacii u badaley magaca  ah Socodka Araweelana” sidaa ayuu yidhi Cabdilaahi Qarshe mar laga wareystay  codkaa socodka Araweelo. Midhihii ama erayadii ku ladhnaa  muusikadaa ayaa  ahaa sidan:

 

Dadkan dhaqawaaqayaa          dhulkooga doonayaa

Haddey ku dhiidhiyeen            Allahayoow u dhiib

Waxaan la dhuubnahay            jidhkayga dhaawacaan

Idiin dhamaynayaa                  dhagaha ma lihidiin

Mise dad dhoohanoo                dhagaysan waanadoo

Warkaygu dhaafayoo               dhufaanan baad tihin

Dhurwaaga meerayaa                kadinka uu u dhaco

Dhacaa ma jiidhayo                  dharag ayuu fishaa

Dhurdaha duulayaa                   dhirtuu dalooshadaa

Malabka  uu dhurtuu                 jilaalka dheer cunaa

 

Dalka Jamhuuriyada Soomaliland ayaa maanta  dawlad kasta oo qabsataa ku dadaaleysaa inay  aduunyada la garnaqsato oo ay hesho hankeeda ay xaqa u leedahay.Cabdilaahi Qarshe  wuxuu ka mid ahaa  dadkii  u hawlgalay in xornimadii lixdankii la helo. Markii la helay xoriyadaa  bishii Juun 26, ayey haddana mar kale dhacantey ee loo boqno gooyey raadinta mideynta shanta qoomiyadood ee Soomaaliyeed. Mar kale ayuu haddana Cabdilaahi Qarshe ka mid noqdey dadkii  u hawlgalay sidii dib loo hanan lahaa ee Soomaaliland u noqon laheyd wadan taagan oo jira.

Waxaa ayaan daro weyn ah meel ka dhacna ah in qof aan halganadaa ka warqabin ku dhiirado o ka dhex yidhaahdo shirarka loo qabanyo  dawlada federaalka ee Soomaaliya (Italian Somalia) “In Shirka ay (Somaliland) ka soo  qeybgalaan annagu raalli baannu ka nahay. Waxa laga hadlayaa  waa dan Soomaaliyeed, Soomaali weeye  iyaguna sida Puntland uga soo  qeybgalayso, Gal- mudug, Ahlusuna u  imaneyso sidaas ayaan iyana jecelnahay in  ay iyaguna u yimaadaan oo miiska  wadatashiga iyo wadahadalka ka soo  qeybgalaan”.

Cabdilaahi Qarshe oo ka murugoonayo sidii dhayalka aheyd ee maandeeq ay gacan aan u rooneyn  gacanta ugu galinay Lixdankii ayuu tiriyey maansadii “Lixdankaan Haybin jiray”.Waxaanu abwaanku yidhi:

Hashaan toban sanno u heesaayey

hashaan  toban sanno u heesaayey

hogaankiyo heeryadiiba cuntee

lixdankaan haybin jiray  maxaa helayee????

hamuun korodhsadayee    halaagna mutee

hawadaan qabayee            hungaad noqotaan

lixdankaan haybin jiray     maxaa helayee????

horseednimadii  bagay       i hoddee

hawshii rag lahaa               waa kuwaa hurdoo

lixdankaan haybin jiray      maxaa helayee????

halkii dadkaba qaar             haayirayee

nin hoos ku jiray iyo           kuwaa ku hadhayoo

lixdankaan haybin jiray      maxaa helayee?????

 

 

Cabdilaahi Qarshe wuxuu ka mid ahaa kooxdii ku caano maashey magaca  Walaalaha Hargeysa.Waxaa lagu mileeyaa inay kooxdaasi jirtay 1945kii ilaa 1960kii.Waxaa kaloo kooxdaas ka mid ahaa Ina Axmad Guuleed, Ina Nuur Qabaas oo  ahaa ninka “Raaxeeye” alifay, Xuseen Aw Faarax, Maxamad Yusuf, Cali Sugule, Ismaaciil Axmad [Cagaf], Tayuub Caamir, Barkhad Cas, Maxamad Axmad, Baaniyaal,Gidhin, Xasan Samatar, Maxamad Saciid, Cunaaye, Xasan Nahaari, Cumar Dhuule, Guroon_Jire iyo qaar kaloo badan(Ilaahay dhamaantood ah u naxariisto intooda dhimatey).

 

Cabdilaahi Qarshe  isagoo jooga Cadan ayaa wuxuu aad u dhageysan jiray  heesaha Hindiga iyo Carabiga  oo ka socon jiray idaacadii Cadan.Sidoo kale waxaa isla Idaacadaasi soo dayn jirtay 30 daqiiqo oo Af Soomaali ah una badan gabayo iyo warka oo uu akhriyi jiray Mahdi Ileeye (IHUN). Waxaa in badan saaxiibadiisii Hindida iyo Carabta ahaa ay  waydiin jireen Soomaalida  waxa maansadii Soomaaliyeed u diiday muusig (Danan). Warcelinta waydiintaa ayaa  aad ugu mudnaatey.Si uu uga warceliyana Cabdilaahi Qarshe wuxuu u hawlgalay  sameynta laxan  ku sargo’an  maansooyinkii Soomaaliyeed iyo garaacista  qalabkii  waqtigaa jiray. “ Bilawgii  danan Soomaaliyeed hormoodkeedu wuxuu ahaa Cabdilaahi Qarshe” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Xudaydi oo ka waramaya taariikhdii  dananka Soomaaliyeed.

 

Cabdilaahi Qarshe waxaa runtii aad u dhibay  Carabtii iyo Hindidii  uu la koray oon u heelanayn inay wax baraan, iyo  sida aanay marna ugu fidin gacan qabasho.Hase yeeshee Cabdilaahi Qarshe wuxuu aad u soo dhaweyn jiray,gacan qabasho hagar la’aaneedna u fidiyey dad fara badan oo maanta ku caan ah madasha fanka. “Waxaan fanka soo galay  kuna soo biiray aniga oo  da’yar gu’gii 1954.Waxaanan gacan ka helay fanaaniintii aniga  horeeyay oo ay ka mid ahaayeen Cabdilaahi Qarshe iyo abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad” ayuu yidhi Fanaanka Maxamed Kuluc  oo ka hadlaya taariikh faneedkisii.

Cabdilaahi Qarshe wuxuu ahaa wadani ay aad ugu dheer tahay u hiilinta wadankiisa iyo hanka qaranimo.Cabdilaahi Qarshe maansooyinkiisa uu laxankana saaarey codkiisa toolmoona  inagu soo gaadhsiiyey waxaa ka mid maansada “Dhalintii Wadanka”.Waxaa maansadaa midhaha sameeyey abwaan Maxamed Xaaji Ismaciil  Barkhad cas (IHUN)..

 

Dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo

labbood iyo dhadig wax meel dhiganoo

dhibtiyo xumihii dhammaan aragnoo
inaanu dhalaniiyo inaanu dhimanoo
maantaan waxba nooga dhaxaynayn

Dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo
ninkaan dhididini xornimo ma dhaxlee
haddaanu dhirta korin daayeer ma dhergee

inaanu dhalaniiyo inaanu dhimano
maantaan waxba nooga dhaxaynayn

Dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo
afartaa dhiigayaga gorfaha ku dhamma
markay ka dhergaanna na dhabaqsada
inaanu dhoofniyo inaanu dhimano
maantaan waxba nooga dhaxaynayn

Dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo
calankaad dhumisen inaanu dhisnoo
dharaar ka cadayno dhay geeloo
inaanu dhidibniyo inaanu dhimano
maantaan waxba noogaa dhaxaynayn

Maansooyin badan iyo laxano faro badan ayuu curiyey Cabdilaahi Qarshe,Hase yeeshe  xulka maansooyinkiisii iyo xusuusinta  wadaninimadii abwaanka ayaa  bahda mareegaha Farshaxan ay bulshada la wadaageysaa.Wuxuu  kulansadey Cabdilaahi Qarshe  inuu buuxiyo  afarta kaalmood ee fanku u baahan yahay in la soo bandhigi karo.Erayada  intuu sameeyo ayuu laxankiina saaraa,ka dibna dananka tumistiisa u hawlgalaa kuna dhameystiraa inuu ku luuqeeyo.Waa hawl u baahan karti laheyd afar qof oo kala duwani sida caadiga ahi inay kaalmahaa kala buuxiyaana ay tahay.

Cabdilaahi  Maxamed Maxamuud “Cabdilaahi Qarshe” wuxuu ku dhashay magaalada Moshe ee wadanka Tansaaniya gu’gii 1924kii.Wuxuu la dhashay afar wiil iyo gabadh. Cabdilaahi Qarshe  aabihii Maxamuud  iyo reerkoodu waxay deganaan jireen gobolada Sanaag ee Jamhuuriyada Somaliland.

Beryahaa waxaa aad  u caan ahaa tacabirka oo iminka looba yaqaan tahriib.Koox lug iyo gawaadhiba  isticmaashey oo Tansaaniya ku socday ayuu Maxamuud  ka mid noqday,aad baanu u nasiib badnaa inuu ka mid noqdo  tiro yar oo ka badbaadey dhimasho iyo dhaawacba.Maxamuud oo nabad qaba ayaa gaadhey magaalada Moshe ee wadankaa tansaaniya.Dadku waxay u tacabiri jireen si nolosha  lagu noolaa mid ka roon loo raadsado.

“Qoyska uu Cabdilaahi Qarshe ka soo jeedo waxay ahaayeen muriidyadii Sheekh Isaxaaq. waan fahmayaa  hawsha muriidka oo aniguba waxaan ka soo jeedaa  reer hawshaa muriidnimada hayn jiray” ayuu yidhi Dr.Maxamed Rashiid Sh.Xasan(IHUN)oo wareysi dheer la yeeshay Cabdilaahi Qarshe.

Xilli ku beegnayd  1931kii ayuu Maxamed Maxamuud  oo Cabdilaahi Qarshe aabihii ahaa dhintay .Hooyadii Dahabo Xirsi ayaa  hantidii reerka dhamaan wada iibisay waxaanay u guureen magaalada Cadan ee wadanka Yemen.Hase yeeshee muddo ka dib ayey  yimaadeen wadanka Soomaaliland kuna soo degeen magaalada Maydh oo ay u sii dhaafeen magaalada Ceerigaabo. Laba sanaadood ka dib ayey dhamaan reerku dib ugu laabteen Cadan.

Magalaadaa Cadan ayuu Cabdilaahi barashada diinta (Quraanka, xadiisyada, Fiqiga ,Naxwaha carabiga,iwm) iyo  waxbarashadii madaniga aheydba ku qaatey.Muddo ka dib wuxuu u soo wareegay dalka Soomaaliland kana qayb qaatey halgankii ummada ee gobanimodoonka iyo dib u soo celinta xornimadii reer Soomaaliland markii deeqda u bixiyeen.“Ilaahay ha u naxariistee 28-kii October 1997-kii, ayuu ku geeriyooday  magaalada London, 3-dii November 1997 maalin Isniin ah, ayaa lagu aasay magaalada Hargeysa,” ayuu yidhi Boobe

Dabayaaqadii bishii Oogosto ,2010 ayaa  munaasibad uu soo qaban-qaabiyeen Ururka Fanka iyo Dhaqanka Soomaalida SAAC loogu daah-furay Xarunta Fanka iyo Farshaxanka ee Cabdilaahi Qarshe (Qarshe Arts Center.Waxaana xafladaa lagu  lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Maansooyinka uu curiyey Cabdilaahi Qarshe waxaakaloo ka mid ah maansada Dunni Gabowdey:

Dadkaan ogaynee                     Dunidaan la yaabee                                                                                                                                         Dib u fiirsigeeda                       Lagu diirsan maayee                                                                                                                           Waa mid ay la duushiiyo         Dayaxa u dhaweysiiyo                                                                                                                        Mid kalooy ka durugtooy         Dibadaha  ku duugtee

Waa duni  gabowdoo               Ilayn waa dumaalee                                                                                                                              Mid malab darsanayaa            Midna dacar ka leefaa

Dabar iyo hogaan iyo             dani seeto weeyaan

waxay damacdo mooyiyee     qofna diidi maayee

waa mid ay dibirisooy            Baryo daadaheysoo

Mid kalooy  dulaysooy           Darxumo u dhamysoo

 

Waa duni  gabowdoo              Ilayn waa dumaalee                                                                                                                              Mid malab darsanayaa           Midna dacar ka leefaa

 

Kay dooraneysoow               Ha ka moodin daacadee

Waxay kugu dilaysay           Horta kugu dayeysaa

Kay dahab u diidoow           Way kaa dabooliyee

Kay dooni siisoow               Way kaa daloolinee

Kay waayo daysoow            Iyadaa ku dooxiyee

Waa duni  gabowdoo          Ilayn waa dumaalee                                                                                                                              Mid malab darsanayaa        Midna dacar ka leefaa

Daadkay ku raacinee            kay diric u galisoow

Way kaa dilaacinee              Kay meel dagsoosoow

 

Ilaahay ha u naxariisto Cabdilaahi Qarshe,Ummada reer Soomaaliland-na way ogtahay kaalintii uu kaga jiray halgankii gobanimodoonka ee Maandeeq.

 

Laga soo bilaabo 2012kii ilaa 2015kii waxaa  shirar wada galay dalalka Jamhuuriyada Soomaaliland iyo Dawlada Federaalka ee Soomaaliya. Dhamaan shirarkaasi waxa ahaayeen madhaleys iyo marin habaabin. Dooda ayaa laga bilaabey meel jaban, mudnaanteedana lama siin inay ahaayeen laba dal oo iskugu yimid, ujeedaduna aheyd inay la mideeyo shanta qoomiyadood ee Soomaalida.

Waxaa mudnaanta leh in la siiyo oo doodu ku saleysnaato inay ahaayeen laba dal oo kala madax banaanaa, xoriyadoodana sida dalalkii Afrikada kale oo kale xilliyo kala duwan kala qaatey. Sidoo kale ayaa waxaa meesha taala  kooxda  ugu qayb galeysa Jamhuuriyada Soomaaliland in lagu xulo aqoonta taariikheed,siyaasadeed iyo aftahanimo  ay ku hagi karaan kuna soo bandhigayaan doodooda,iwm. Waxaa inta badan dhacda dad raaxada diyaaradaha la raacayo iyo hudheelada laga cuntaynayaa ay la weyn tahay in la soo xulo.Halka  sidoo kale ay dhacdo dad aan aqoon siyaasadeed  iyo mid taariikheed alheyn inay iyaguna  goobta shirk aka soo qayb galaan iyadoo loo eegayo madaxweynahaa ku kalsoon iyo way is-xigaan.

 

N.B: Barnaamijkeena Xulka maansooyinka iyo Xuska abwaanka wuxuu noqon doonaa Insha Allah joogto.Taladiina,tusaaleyntiina, tilmaantiina iyo ka qayb qaadashadiinaba  waa la soo dhaweynayaa…

Tixraac:

-Taariikhdii Saxardiid Maxamed

Qolka Kaydka Mareegta Farshaxan

-Maansooyinka Cabdilaahi Qarshe

Qolka Kaydka Mareegta Farshaxan

– Xuska 10 Guurada Cabdilaahi Qarshe

Qalinkii : Boobe Yuusuf Ducaale

– Interview with the late Abdullahi Qarshe

Wareysi Qaade: Dr.Maxamed-Rashiid Sh.Xasan

-Mareegaha Farshaxan,Hadhwanaagnews,OOdweynenews,Gabileynews,Heesta,Askarkotor

 

Diyaarintii iyo Tifatirkii

Fu’aad Sheekh

Bahda Mareegaha Farshaxan

www.Farshaxan.com  ama www.Farshaxan.org

Advertisement

Ku Xayeysiiso