Trump Oo Dhimis ku sameeyay Lacagihii Mareykanku uu siin jiray dowladda Kenya.

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhintay lacagihii ay siin jirtay dowladda Kenya oo kamid ah dowladda qaaradda Afrika ee ku tiirsan kaalmada Maaliyadeed ee Mareykanka.

Donald Trump oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaa go’aamiyay in uu yareeyo lacagta ay dowladdiisu sanad walba siiso Kenya .

Lacagta Mareykanka uu siin jiray Kenya oo gaadhaysay 102 Milyan oo dollar ayaa hadda lagusoo koobayaa 43.5 Milyan oo dollar lacagtaas ayuu golaha Koongareesku  ansixiyay sanaddii 2018

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Trump uu go’aankaan qaatay ayna qeyb ka tahay dhimis weyn oo lagu sameynayo  qarashka Mareykanku ku bixiyo  dowladaha qaaradda Afrika.

Advertisement

Ku Xayeysiiso