KA KUGU AGTUKANAAYA AYAA KU TOOGANAAYA .

KA KUGU AGTUKANAAYA AYAA KU TOOGANAAYA .

Dadkani ama kooxahani miyay waallan yihiin ? mise waa doqmmo ? mise cid kale ayey u shaqeeyaan ?
Waxa maalinba maalinta ka danbeysa ka sii daraysa , lalana yaaban yahay , kooxahan magaca islaamka dadka ku laaya , ee ficilada iyo xumaanta ay ku hayaan ummada muslimiinta ah.
Ficilada ay samaynayaan ee ku kacayaan , islaamka meelna kagama jiro , islaam nimana maaha .
Ma waxa islaam nimo ah , inaad dad meel iska fadhiya , aad iska layso ? ama isku qarxiso ? iyaga oon waxba kuu gaysan , welibana aanad garanayn waxaa ay yihiin ? ma waxa islaam nimo ah , inaad dumar iyo caruur iyo ciroolayaal aad iska layso, aan waxba kuu gaysan , oo muslimiin ah , oo aad tidhaahdo waan ku jihaadayaa , ma sidan baad janno doonaysaa inaad ku gasho ? diintan sidaa ku fararaysaa xaggay ka timi , illeen islaamka meelna kagama jirto ee ? waa maxay diintan ku faraysa inaad dadka iska layso ? ma diin cusub baa ?
Hadaba waxaynu wada garan karnaa inay dadkanu yihiin dad buka oo aan dhamayn .
Hadaba yaa maal geliya dadka sidan ah ?
Yaa taageera ?
Xaggay dhaqaalaha iyo hubka ka helaan ? iyo tababarkaba ?
Ma waxa inagu dhex jira , dad sidooda oo kale buka oo taageero iyo dhaqaaleba siiya ?
Waxaynu maqalaa waxa caawiya oo dhaqaalaha iyo hubka iyo tababarba siiya maraykanka iyo israa iil , si kooxahani islaamka magac xumo ugu soo jiiddo , sawir iyo aragti fool xunna islaamka loogu shaabadeeyo .
Kooxahan oo ay shaqadoodu tahay , inay dadka muslimiinta ah isku diraan , kalana qaybiyaan oo ay koox koox ka dhigaan is neceb .
Dawladaha reer galbeedkuna inta waxay sheegayaan oo ay fidinayaan , in islaamka iyo muslimiinta baysha caalamku iska ilaaliyaan .
Mana qarsadaan sida ay islaamka ula dagaalamaan .
Falalka ay geystaan kooxahan argagixisooyinka ahi , waxay sababtay , in dadka muslimiinta ah mel kasta oo lagula kulmo in la cadaadiyo , in xaquuq doodana la dood siiyo – inaan la ixtiraamin – waxaana beesha caalamka laga dhaadhiciyey, inay ummada muslimka ahi , yihiin qaar bulshada aduunka inteeda kale ka duwan, cadawna u ah .
Waxa ammadaha caalamka laga dhaadhiciyey aa kale , in ay waajib tahay in lala dagaalamo dadka muslimka ah , lana laayo , iyada oo aan cidina ka nixin , laysna waydiin maxaa dadkan loo laynayaa ? looguna duulayaa / maxay geysteen ?
Hadaba ficilada kooxahani dadka muslimiinta ah , dhibaatooyin bay ku hayaane maxay u samaynayaan wax yaabahan ?
Miyay waallan yihiin ?
ma doqommaa ?
mise cid kale ayey u shaqeeyaan ? aan muslim ahayn ?
M a suurto galbaa , qofkii iminka kula tukanaayay , ayaa ku tooganaaya ?
ama masaajidkii uu ku tukanaayay ayuu isku dhex qarxinayaa ?
FIcillo islaam maaha  ? islaamkuna waa ka barii .
Arimahan iyo ficilada kooxahan maaha islaamnimo . islaam kana meel na kama soo galaan .
Hadaba waxa iyana iswaydiin leh : dadkani xaggay nooga yimnaadeen .
Ma insibaa mise maaha (………………)
Kooxahan dadka wada gaalaynaaya , sharcigana cagantooda ku fulinaaya
yaa u igmaday inay xilkaa qaataan oo isa siiyaan , waxay doonaanna sameeyaan , kuna adeegtaan magaca islaamka
waxay u baahan yihiin in iyaga dib loo soo hanuuniyo , islaamka dhabta ahna la baro .

cali maxamed biixi

cali.biixi309@outlook.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso